MA I ARAGTAA? Kenya oo diraysa 4 ishaaro & DF Somalia oo 4 kale uga jawaabi karta

0

(Kismaayo) 12 Okt 2019 – Kenya ayaa Kismaayo usoo dirtay wefdi ay sheegtay inuu ka qayb gelayo is caleemo saarka Axmed Madoobe oo sheegay inuu ku guulaystey doorasho muran badan dhalisay.

Waxaa wefdigaa hoggaaminaya Aadan Barre Ducaale oo ka mid ah wejiyada ay Kenya u adeegsato sheegashada dhul-badeedka Somalia, weliba isagu tillaabo dheeri ah ayuu qaaday oo wuxuu Baarlamanka dhexe geeyay mooshin ah in Somalia awood ciidan loo adeegsado xitaa haddii Kenya laga guulaysto.

ISHAAROOYINKA AY KENYA DIRAYSO:

1 – Waxay muujinaysaa in ay haysato Soomaali dhego fudud oo gudaha iyo dibeddaba jooga oo daneheeda uga shaqaynaysa sida ay iyadu doonayso.

Waxaa ka mid ah in siyaasiyiinta halkaa ku sugan ee eeganaya in ay Kenya ku kaadiso qarannimadoodu ay ku wada eedaysan yihiin inay la shaqeeyaan cadowga Somalia, haddii aanay iska beri yeelin waxa meeshaa ka dhacaya.

2 – Waxay muujinaysaa in dhulkii ay horay uga haysatey NFD aanay hadda dooddu joogin, balse ay ku fikiri karto inay si toosan iyo si dadbanba u xukunto qaybo ka tirsan Somalia-da xorta ah, iyadoo haysata siyaasiyiin middaana ku raacsan kuna taageersan.

3 – Waxay muujinaysaa inaysan ixtiraamaynin qarannimada iyo madax bannaanida geyi ee Somalia iyo sidoo kale in arrinta Jubbaland ay tahay arrin maxalli ah oo ka dhaxaysa Soomaalida Somalia, sidaa darteed aysan Kenya meelna kasoo geli karin.

4 – Waxay muujinaysaa in ciidamada KDF oo markii horeba Somalia usoo galay si sharci darro ah iyagoo ku marmarsoonaya Al Shabaab, balse markii dambe si mugdi ku jiro ugu biiray AMISOM aysan ahayn ciidamo dalka u jooga NABAD ILAALIN iyo wax u dhow.

MAXAA LA GUDBOON DF SOMALIA?

1 – DF Somalia oo aan ilaa iminka qaadin wax tillaabo ah oo wax ku ool ah, waxaa ku waajib ah inay horta hesho dal ay la gasho heshiis istaraatiji ah oo dhanka amaanka ah, Turkiga ayaa dookha 1-aad noqonaya. Waxaa kale oo heshiis lala geli karaa dal kasta oo u diyaar ah inuu gacan ka gaysto qalabaynta iyo bixinta taageero dhanka saanadda ah oo la siiyo ciidamada Somalia.

2 – DF Somalia waa inay QM u sheegtaa in aanay micne samaynayn in Somalia lagu sii hayo ceegada caalamiga ah oo an in laga cunaqabateeyo dhanka hubka, taasoo Somalia ka hor taagan inay ciidamadeeda qalabayso si ay dalka u difaacaan, waa arrin ay ahayd inay mar hore dunida u sharraxdo iyadoo la kaashanaysa dalal saamayn leh, balse tillaabooyinka Kenya waa QIIL aad u wanaagsan oo ay Somalia isticmaali karto.

3 – Waa in Kenya lagu dhuftaa halka xanuunaysa, waxaana dookha 1-aad noqon kara in qaadka la hakiyo ilaa amar dambe, waayo gobol dhan ayaa ku xiran dhaqaalaha uu qaadka ka helo oo awalba jugi kasoo gaartey ka joojintii Yurub.

Ogoow magaalada qaadka ugu badan Kenya ka iibsataa waa Muqdisho waana magaalo ay si buuxda uga arrimiso DF Somalia, marka ma jirto sabab Kenya wejiga looga sii qarsado.

4 – Waa in hoos loo dhigaa qiyamka diblomaasiyadeed ee Kenya iyo Somalia, Danjirohooda laga eryaa Muqdisho, isla markaana Midowga Afrika lagu wargeliyaa inay la yimaadaan dal bedela ciidamada Kenya oo aan hadda kaddib xaq u yeelanaynin inay Somalia u joogaan nabad ilaalin iwm, maadaama ay ka shaqeeynayaan dano iyaga u gaar ah.

Tifaftirka

Hadalsame Media