MARQAATI: Mucaaradku waxay isku caddeeyeen hal arrin oo lagu xaman jirey!

0

(Hadalsame) 12 Okt 2019 – Kenya horay ayay qarannimadeenna ugu tumatay markii ay ciidankeeda si sharcidarro ah dalkeenna u keentay. Madaxweyne Shariif maalintaas shirjaraa’id ayuu qabtay uu Kenya ugu sheegayo in ay dalkiisa ka baxdo. Balse maanta Kismaayo ayuu marti ugu yahay ciidankii Kenya.

Maanta oo ah maalinta Calanka Soomaaliyeed Kenya wafti sare ayay si sharcidarro ah ku gaysay Kismaayo ayadoo aan wax oggolaansho ah ka haysan dawladda Soomaaliya, waa ku xadgudub xeerarka caalamiga ah, balse horay ayayba ugu xadgudubtay cidna wax ka qaadi wayday.

Mucaaradka Soomaaliya waxa ay Kismaayo marqaati uga yihiin maanta ama qayb, xadgudubka Kenya u gaysanayso madaxbannaanida iyo qarannimada Soomaaliya weliba maalintii calanka. Mucaaradka waxaa ku caddaatay qaran dumisnimadoo lagu sheegayay.

Dawladda Soomaaliya horay waxa ay shacabka ugu sheegtay in maamulka hawada dalka la soo wareegtay waxaase shacabku is waydiinayaan sidee dal aad hawadiisa maamushid diyaarado dal kale isaga soo geli karaan? Dawladda waxaa looga fadhiyaa jawaab waafi ah iyo falcelin adag oo ay Kenya siiso, ugu yaraan in ay qaadla joojiso.

Waxaa Qoray: Cali Maxamed Diini

Hadalsame Media