U GAAR AH HADALSAME: DF Somalia oo dejisey qorshe ballaaran oo ka dhan ah Axmed Madoobe

0

(Muqdisho) 12 Okt 2019 – DF Somalia, gaar ahaan Wasaarad Gudeedka dalka, ayaa beri dhowayd soo saartay hab-raac cusub oo loo marayo doorasho ka dhacda Jubbaland.

Hadalsame Media ayaa isku howlay helitaanka xog ku saabsan sida ay DF u doonayaan inay doorashadan uga qaban qaabiyaan una meel mariyaan.

Waxaan helnay xog la isku hallayn karo oo aynaan isheeda carrabaabayn, taasoo sheegaysa inuu qorshuhu yahay in doorashada lagu qabto magaalada Bu’aale oo ah caasimadda rasmiga ah ee Jubbaland.

SIDEE TAASI U DHICI KARTAA?

Qorshuhu wuxuu yahay in ciidamo iminka diyaarsan oo ah kuwa Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwo AMISOM ihi ay marka hore qabtaan Bu’aale, kaddibna ay halkaasi noqoto xarunta lagu xulayo, laguna dooranayo Baarlamanka iyo madaxda sare ee maamulka Jubbaland.

Warkan ayaa haddii uu sidaa ku xaqiiqoobo meesha ka saaraya warar soo baxayay oo sheegayay in ay dhici karto waanwaan laga dhex sameeyo DF Somalia iyo Axmed Madoobe oo aan haatan haysanin taageerada Dowladda Somalia, balse ay Kenya aad ula hayso.

Hadalsame Media

Facebook Comments