ARAGTI: Abaalmarinta Nobeelka ee Nabaddu markan unbaa la siiyay qofkii mudnaa

0

(Hadalsame) 12 Okt 2019 – Abaalmarinta Nabadda Nobel sannadkan waxaa la siiyay Abey Axmed. Guddida Abaalmarinta Nobel abidkood waa markii kowaad ee ay siiyaan qof dhab ahaan u qalma.

Ma garanayo sida abaalmarintan loo siiyay dad aan wax nabad ahba ka shaqayn, kuwaas oo sameeyay oo keliya firfricooni yar oo aydoolojiyad ahaan raalligelisay dareenka Guddida. Abey Axmed wax uu nabad geesinnimo leh la galay dalka Erateriya oo ay dalkiisa ahaayeen cadaw fiintu dhex mirato.

Wax uu heshiis iyo nabad dalka u gu soo celiyay jabhadihii hubaysnaa iyo mucaaradkii dayrada ahaa. Wax uu sii daayay dhammaan maxaabbiistii siyaasadda, wax uuna dammaanadqaaday xorriyadda fikirka iyo xorriyadda erayga.

Wax uu tubta toosan cagta u saaray dimuqraadiyaynta dalkiisa iyo ilaalinta xuquuqda dadka. Wax uu qabqabtay gacankudhiiglayaal iyo dadkii musuqmaasuqa. Wax uu nabadeeyay Jabbuuti iyo Erateriya.

Wax uu miiska wadahalka isu gu keenay kooxihii ku loollamayay Kacdoonka Soodaan. Wax uu dhexdhexaadin nabadeed ka galay muranka badda ee Soomaaliya iyo Kiiniya. Wax uu horseeday in dawladdiisu faraha ka la baxdo arrimaha gudaha ee Soomaaliya. Wax uu qaboojiyay dhiillada Masar ka qaadday Biyaxidheenka Horukaca.

Hambalyo ayaynnu lee nahay Abey Axmed, Guddida Abaalmarinta Nobel ee Norway iyagana waa aynnu bogaadinaynnaa markii koowaad weligood.

Waxaa Qoray: Ibraahim Hawd-Yuusuf

Hadalsame Media