Kenya oo samayn karta LABA arrimood oo weji gabax ku ah siyaasiyiinta ku sugan Kismaayo!

0

(Nairobi) 12 Okt 2019 – Waxaa la sheegayaa inay Nairobi kasoo duushay dayuurad sidda wefdi ballaaran oo ka socda Kenya, kuwaasoo la sheegay inay ka qayb gelayaan is caleemo saarka Axmed Madoobe.

Dhanka kale, DF Somalia ayaa xalay markale ku celisey in dayuurad kasta oo u socota magaalada Kismaayo ay soo marto magaalada Muqdisho.

Haddaba haddii uu wefdigaasi Kismaayo ka dego isagoo aan marin magaalada Muqdisho, waxay Kenya sidaa ugu kaadinaysaa qarannimada Somalia.

Cid kasta oo ka tirsan siyaasiyiinta haatan ku sugan magaalada Kismaayana sidaas ayay ku noqonayaan dad si rasmi ah ula safan cadow diiddan qarannimada Somalia.

Waxaa kale oo ay Kenya caddaysanaysaa inay tahay dowlad u taagan foowdo, qaybin iyo isku dir, si ay u gaarto dano gaar ah oo ay iyadu leedahay oo aan dan u ahayn dadka iyo dalka Somalia, sidaa darteed, waa inay DF Somalia qaaddaa tillaabooyin wax ku ool ah oo intii hore ka adag.

Tusaale ahaan, Muqdisho oo qur ihi waxay sanadkii 100 milyan oo doollar ka badan ku cuntaa qaadka sunta ah ee Kenya, waana hal meel oo ay Somalia ka dhigan karto ciyaar siyaasadeed oo wax ku ool ah.

Dhanka kale, haddii uu wefdigani soo maro Muqdisho waxay markale weji gabax ku tahay siyaasiyiinta ku hor ordaya qarannimadii dalka, ee geed kasta u koraya inay fashiliyaan danta umadda Soomaaliyeed oo ay ku jiraan ragga halkaa ku tegey dayuuradaha jebiyay amarkii DF.

Tifaftirka

Hadalsame Media