LIX LAMA DHAAFAAN: Xil. Xiddig oo ragga Kismaayo u yaacay 6 su’aalood waydiiyay!

0

(Kismaayo) 11 Okt 2019 – Xildhibaan Cabdirashiid Xidig ayaa Lix Su’aal weydiiyay madaxda Kismaayo isugu tagtay.

1: Dhamaantiin waxaad isu garab ordaysaan ololaha Doorashada Federaalka ee 2021 Ma aqbaleysaan hadii Farmajo idinkoo guryihina jooga ku dhawaaqo In la doortay sidii Axmed madoobe:

2: Ma aqbaleysaan In Farmajo 3 magac loo keeno oo midkuu hubo inuu dooranayo xildhibaan ka dhigo sida Axmed madoobe:

3: Ma aqbaleysaan In odaygii dhaqanka ee aan Farmajo taageersaneyn inuu liiska dhaqanka ka saaro oo mid isaga taageersana uu ku bedesho sida Axmed madoobe:

4: Ma aqbaleysaan In shuruudaha Madaxweynuhu noqdaan kuwo lagu cabiray oo u adeegaya farmaajo oo kaliya murashaxiinta kale oo dhana meesha ka saaraya sidii Axmed madoobe:

5: Ma aqbaleysaan in farmaajo murashaxiinta u diido inay airporka kasoo degaan, ololeeyaan ama is diwaan geliyaan sidii Axmed madoobe:

6: Ma aqbaleysaan In warqada kama danbeysta ee fasaxa murashaxiinta uu bixiyo Farmajo iyo heyada Nabad sugida murashaxii inuu culus yahay uu u arkana tartanka laga reebo Sida Axmed madoobe:

Lixdaas qodob hadaad ogoshihiin In Madaxweyne Farmajo ku maamulo Doorashada Federaalka ee 2021 Waxaa inoo furan wada hadal.

Waxaa Qoray: Xil. Cabdirashiid Xiddig

Hadalsame Media