Wasiirka Maaliyadda oo si xirfadlenimo u jawaabay (Hanti-dhowrka & Maaliyadda oo talo loo jeediyay)

0

(Muqdisho) 11 Okt 2019 – Jawaabta Wasiirka Maaliyada ka bixiyay Warbixinta Hanti dhawrka waa mid loo baahnaa waxna iftiimisay.

Hanti dhawrka markuu sameenayo Baaris waxaa laraacaa labo nidaam oo Caalami ah:

1 – Waxaa ugu horeysa kulana Hordhaca ah (opening Meeting) lala qaato Hay’adda Baarista lagu Sameenayo lana isku raaco qorshaha iyo habka baaristu noqonayso waxa labaarayo, labada dhinac warbixinta kulanka (meeting minutes) ka soobaxda way in isla waafaqaan wada saxiixaana.

2 – Markii Auditor-ku soo dhameesto shaqadda Baarista waxaa jira kulanka sooxiridda baarista (audit closing meeting) kulakaas baa waxaa lagu soo bandhigaa waxii baaristu soo saartay waxaana lasiyaa mudo 3 bari ah cida Audit-ka lagu sameeyay si ay uga soo jawaabaan warbixinta horudhaca ah markii ay soo jawaabaana hadii jawaabo qanciya Auditorka ay soo baxaan waxuu kudaraa warbixnta. Markaas buu soo saaraa natiijada baarista iyo rayigiisa (audit opinion).

Wasiirku Maaliyadu Waxuu sheegay in ay warbixintu hantidhawrka aysan raacin habraacii loogu talagalay.

Hadii warbixintii Hanti dhawarku soo saaray aysan raacin habraacyada caalimiga ah( international Audit Standards) natiijada kasoo baxda ma ahan mid sax ah kana tarjumaysa ujeedooyinka laga lahaa baarista oo ah hagaajin nidaam maaliyadeed iyo kobcin hay’adda labaarayo si ay mustaqbka isku sii hufto hogaanka hay’addana ay cashro uga bartaan.

Waxaa intaas dheer Baarista Hanti dhawrka guud waxay saamayn kuyeelan sumcadda hay’adda maaliyadda qaranka ee curdanka ah waxaana yaraanaysa kalsoonida aduunku kuqabo in ay lashaqeeyaan ama dhaqaale soomarsiiyaan taasna waxay ragaadin kuyeelan dib udhiska qaranka.

Waxaan kula talinayaa masuuliyiinta Maaliyadda iyo Hanti dhawarka Qaranka in ay wada shaqayn dhaw yeeshaan waajibaadkooda Dastuuriga ah wada gutaan danta dalka waxay kujirto laga wada shaqeeyo aana la siyaasadeen hawlaha maamulka (administrative issues).

Waxaa Diyaariyay: Cabdifitaax M Sugulle

Hadalsame Media