Hannaanka EVC-PLUS oo yeeshay hal CILLAD oo ay ka faa’iidaystaan TUUGADU (Tillaabo deg deg ah oo lama huraan ah)

0

(Muqdisho) 11 Okt 2019 – EVC Plus-ka qof walba ayaa ogaan kara xisaabta kuugu jirta. Xalay qolo tuugo ah ayaa nin baaranayay. Lacagta kuugu jirta taleefanka noo tuur ayay dhaheen, isna wuxuu yiri lacag ma haysto. Taleefankii inta ka qaadeen ayay lambarkiisii waxay ku tuureen hal sinti. Markiiba waxaa soo dhacay farriin u qoran sidaan:

”Evc Plus. Waxaad .01 ka heshay lambar hebel. Haraaga xisaabtaadu waa 179 dollar.”

Sidaas baa ninkii odaga ahaa lagu feentay. Hormuud waxaan ka codsanaynaa in ay wax ka beddelaan qaabkaan oo keliya farriintoodu ay noqoto intaas oo lacag ah ayaad heshay. Sida ay ila tahay looma baahna in qofka haraagiisa farriintaas loogu sheego. Xitaa haddii taleefankaada aad qof kale u dhiibtid wuxuu ogaan karaa lacagta kuugu jirta haddiiba ay lacag kale kuu soo dhacdo ama uu fiiriyo farriintii u dambaysay ee aad heshay.

Sii faafi walaal waa intaas oo ay cabashadeenna maqlaane, waxaadna u wacdaa qof Hormuud u shaqeeya oo faafaahin naga siin kara.

Waxaa diyaariyay: Aqwaan Xasan Jidhi

Hadalsame Media