DHEGEYSO: Xulka Xeegada Somalia oo guulo keenay ayaa isu diyaarinaya tartan caalami ah (Baaq)

0

(Gothenburg) 11 Okt 2019 – Xulka Soomaaliya ee ciyaarta Xeegada ayaa kaalinta 3-aad ka galay Tartanka qaramada Afrika ee xeegada, waa heerkii ugu sarreeyay ee uu xul Soomaaliyeed ka gaaro tartan caalami ah muddo aad u dheer.

Soomaaliya ayaa dirqi uga badisay Kenya 7-6 gool, kadibna waxaa si xun u garaacday Burkina Faso oo dirtay 6-1 gool, ha yeeshee, Soomaaliya ayaa qaab goolal bilaash ah 5-0 uga badisay Mozampique oo aan tartanka soo xaadirin, halka ay 5-2 gool dirtay Uganda, taasoo ka dhigan laba guulood oo ay Somalia gaartey iyo laba guuldarro.

Cabdinaasir Cabdiraxmaan oo ka tirsan xulka ayaan Idaacadda Sweden uga warramay inay jirto caqabad lama filaan ahayd oo ay la kulmeen intay tartanka ciyaarayeen?

– Garoonku wuxuu ahaa mid ka samaysan alwaax lagu sibibixanayo, ayuu yiri.

Macallin xigeenka xulka xeegada ayaa ii sheegay in kulankii 2-aad ee Somalia ay guuldarrada bahdilka ah kala kulantay Burkinafaso ay ugu wacnayd farqi wayn oo dhanka adkaysiga jireed ah oo u dhexeeyay labada dal iyo sidoo kale la macaamilidda taageerayaashii faraha badnaa ee Soomaalida oo saartay cadaadis nafsi ah maadaama aanay kusii talo gelin in dad intaa la’egi ay taageeri doonaan.

Wuxuu dhanka kale sheegay inay u baahan yihiin laacibiin cusub, xitaa kuwa aan abid ciyaartan dheelin, si loo tababaro oo ay deeto uga xushaan kuwa fiican, waa kan macallinka 2-aad ee xulka, Stefan Karlholm oo baaq codsi ah u diraya Soomaalida.

– Dhibka iminka noogu wayni waa helitaanka laacibiin ciyaarta xeegada, marka haddii uu jiro qof dhegeysanaya fadlan imaada Garoonka sandeklevshallen ee Bergjön, maalmaha Talaadooyinka iyo Arbacooyinka, ayuu yiri.

Xulka Xeegada Somalia oo gebi ahaanba ka baxay magaalada Gothenburg ee caasimadda 2-aad ee Sweden ayaa isagu iskii isaga daboolayay maaliyaddii ku baxday safarkooda sida hoteelka, tigidhada, cuntada iwm, waloow ay sheegeen inay taageero ka heleen Soomaalida ku dhaqan Nairobi oo uu xitaa ka mid ahaa Danjiraha Somalia ee Kenya.

Yeelkeede, sida uu Cabdinaasir noo sheegay waxaa tartanka dhaqaale xumo darteed uga maqnaaday dalka Nigeria oo weliba ahaa dalkii koobka difaacan lahaa, taasi iyaga qab iyo kalsooni dheeraad ah gelisey?

Waxay intaa ii raaciyeen inay rajaynayaan inay sanadka xiga ka qayb galaan tartanka Xeegada Qaramada Afrika oo sida ay sheegeen ay u badan tahay in lagu qabto dalka Burkina Faso oo tartankii ugu dambeeyay ka galay kaalinta 2-aad. Ciyaaryahan Cabdinaasir markale.

Waxaa koobkii ugu dambeeyay hanatay Kenya oo tartanka marti galisay.

Hadalsame Media