DHEGEYSO: Macallimiin badan oo ay shaqa la’aani kusoo wajihi karto Sweden (Sahan cusub)

0

(Stockholm) 08 Okt 2019 – Kala bar dowladaha hoose ee Sweden ayaa sanadkan hirgelinaya qorshe ay ku tashiilayaan miisaaniyaddooda ku baxda Dugsiyada Hoose, taasoo la micne ah in afartii degmaba ay mid ka mid ihi shaqaalaha dhimmi doonto, sida ku cad sahan ay samaysay Idaacadda Sweden.

Maamullada degmooyinka dalka ayaa muddo ka dagaallamayay miisaaniyad tashiilkan, balse sida ka muuqata sahankan oo ay ka jawaabeen maamulayaasha iskuullada hoose ee 262 ka tirsan 290 degmo oo ay Sweden ka kooban tahay, xaaladdu horraanba waa adkayd sanadkan 2019.

Waxaa maamulayaashaas ka mid ah Tommy Fock, oo ah maamulaha dugsi ku yaalla Svenljunga.

– Waa xaalad adag, waxaa jira dalab ah inaan wax tashiilno tan iyo 2018, taasoo biirinaysa ilaa 20 milyan, waana arrin saamaysay howlaha aannu qabanno, ayuu yiri Tommy Fock.

In ka badan kala bar degmooyinka Sweden oo ah 151 degmo ayaa lagu waajibiyay inay miisaaniyadda dugsiyada hoose tashiilaan sanadkan, misna kala bar maamullada degmooyinku waxay qabaan inay adag tahay inay iskuulladu ay miisaaniyaddaa howsha kaga soo dhalaali karaan sanadkan.

Lena Hallquist, waa madaxa maamulka waxbarashada ee degmada Ljusdal. – Sanadkan 2019, waxaan durba u baahan nahay 6 milyan oo dheeraad ah. Ayay tiri Lena Hallquist.

Sahanka Idaacadda Sweden ayaa saadinaya in sanadka 2020 uu kasii adkaan doono midkan 2019, iyadoo 3 ka mid ah 4tii maamule ee sahankan lagu waraystay ay sheegeen inay sanadka xiga lama huraan noqon doonto in lacag la biiriyo, taasoo ka dhigan in la dhimo shaqaale dabcan macallimiin u badan.

Hadalsame Media