”Naga jooji Soomaalida ”qashinka ah” – Buug haatan soo baxay oo wax badan ka sheegaya aragtida Trump!

0

(Washington, DC) 08 Okt 2019 – Bilihii yaraa ee ugu horreeyay muddo xileedka MW Donald Trump ayaa la sheegay inuu Wasiirkii Amaanka Qaranka ee xilligaa ee Elaine Duke uu waydiiyay sababta aysan Maraykanka uga mamnuucin “Soomaaliyada qashinka ah” xilli uu caro la qaacayo isagoo xeego ku ciyaaraya Bedminster.

Xogtan ayaa waxaa sida buug cusub oo la yiraahdo “Border Wars,” kaasoo lagu xusay sida uu Trump u aaminsan yahay in dadka ka imanaya Somalia ay halis ku yihiin Maraykanka, kahor intii aanu dalkiisa ka mamnuucin 8 dal oo ay Somalia ugu horreeyso.

“Isaga iyo [Stephen] Miller waxay u muuqatey inay si gaar ah u neceb yihiin Somalia, iyagoo marar badan soo hadal qaada dadka dalkaa u dhashay marka ay ka hadlayaan halista uu soo galootigu dalkooda ku hayo,” ayaa buugga ku qoran.

Bishii Oktoobar 2017-kii, todobaadyo uun kaddib waxaa Elaine Duke, Wasiirka Amaanka Qaranka ee xilligaa telefoon ku wacay la taliyaha siyaasadda ee Trump oo ah Stephen Miller kaasoo Duke ku tirtirsiiyay “inay joojiso qaxootiga kasoo qulqulaya 11 dal oo khatar wayn ku ah Maraykanka, kuwaasoo ay gaar uga takoornayd Somalia,” sida uu qabo maamulka Trump.

Hadalsame Media