”Maxaad 100 sano ka qabanayseen Aljeeriya haddii ay weli gabdhohoodu XIJAABAN yihiin!”

0

(Hadalsame) 08 Okt 2019 – Sannadkii 1930-kii ayaa gumeysigii Faransiisku wuxuu abaabulayey dabbaal-degga 100 sano oo ka soo wareegatay markii ay qabsadeen dalka Aljeeriya.

Caalamka oo dhan wuxuu u sheegay in dadka reer Aljeeriya haatan ay noqdeen kuwo u diyaarsan inay si rasmi ah u qaataan afkaarta faransiiska.

Mas’uuliyiintii Faransiiska ahaa ee joogay Aljeeriya ayaa bilaabay inay diyaariyaan dabbaal-deg ay ku muujinayaan wax-qabadkooda, waxay diyaariyeen boqolaal gabdhood oo ay muddo ku abuurayeen afkaarta reer galbeedka, waxay ku abaabiyeen in islaamku u horseeday dib u dhac iyo inay ka hareen horumarka caalamka, waxay kala dagaalameen xijaabka iyo muuqaal kasta oo xiriir la leh diinta islaamka.

Waxaa xafladda ka soo qayb-galay qaar ka mid ah dowladihii reer yurub ee gumeysan jiray dowladihii carabta, kuwaas oo rabay inay darsi ka qaataan sida Faransiisku ugu guuleystay inuu Aljeeriya ka dhigay dowlad labaad oo faransiis ah.

Dadkii ka soo qayb-galay dabbaal-degga ayaa laysugu keenay fagaare aad loo qurxiyey,Balse waxaa lama filaan noqotay markii ay masraxa soo fuuleen boqolaalkii gabdhood ee faransiisku rabay inuu caalamka tuso, oo dhammaantood ku soo lebistay dhar asturan oo dhaqankii islaamku ka muuqdo!!

Warbaahintii Faransiiska ayaa arrinkii aad uga hadashay, waxaana lays weydiiyey muxuu faransiisku aljeeriya ka qabanaayey mudo hal qarni ama boqol sano ah haddiiba gabdhahoodu weli xijaaban yihiin?

Markii su’aashaas la hordhigay Jeneraalkii Faransiiska ee lagu magacaabi jiray ( Robert la coste) wuxuu ku jawaabay hadalkiisii caanka ahaa “Maxaan sameynaa haddii Qur’aanku ka awood batay faransiiska!!”.

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Waxaa Diyaariyay: Mustaf Cawil Xasan

Hadalsame Media