XOG: DF Somalia oo dacwad ka dhan ah Kenya u gudbisey Qaramada Midoobey

0

(Muqdisho) 06 Okt 2019 – DF Somalia ayaa dacwad ka dhan ah Kenya oo ay ku eedeysay  in ay ku xadgudubtay sharciga caalamiga ah ee u yaalla duulista hawadda kaddib markii ay shalay magaalada Nairobi kasoo fasaxday dayuurad ku degtey Kismaayo oo aan la ogaysiinin tiirka lagala socdo hawada Somalia.

Somalia ayaa dacwad ka dhan ah tallaabadan ay qaaday dowladda Kenya u gudbisay hay’adda  duulista ugu qaybsan QM ee ICAO.

Diyaarada ka degtey Kismaayo oo nooceedu yahay Fokker 50 ayaa la sheegay inay hawada Somalia kusoo gashay shatiga  shirkadda Jubba Airweys, iyadoo ka diiwaan gashan Kenya.

Diyaaradan oo ay Jubbaland sheegatay inay iyadu soo iibsatey, ayaa lagu wadaa in ay sidoo kale magaalada Garoowe ka soo qaaddo wafuud kale oo lagu wado in ay ka qayb galaan caleemo saarka Axmed Madoobe oo sheegay inuu markale ku guulaystey madaxwaynaha Jubbaland.

Dacwadda DF Somalia aya imanaysa maadaama la jebiyay xayiraaddii ay saartay inay dayuurad aanay ogayn ay ka degto magaalada Kismaayo, waana dacwaddii 2-aad oo caalami ah oo ka dhexeeysa Somalia-Kenya.

Hadalsame Media