Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee HARAMCAD oo fuliyay howlgal qorshaysan & qaraxyo ay fashiliyeen + Sawirro

0

(Muqdisho) 06 Okt 2019 – Howlgallo qorsheysan oo ay ciidamada Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ka sameeyeen wadada xiriirisa Siinka Dheer iyo Ceelasha Biyaha, ayaa waxaa lagu fashiliyay Miinooyin nooca dhulka lagu aaso ah oo la dhigay inta u dhaxaysa labadaasi degaan.

Sida ay sheegayso warbaahinta DF, ma jirto wax khasaare ah oo ka dhashay howlkaan waxa ayna ciidamada oo xogta ka helay shacabka degaanku ku guuleysteen in ay soo saaraan dhamaanka miinooyinkaasi argagixisadu dooneysay in ay shacabka ku dhibaateyso, sida ay sheegtay dowladdu.

Saraakiisha hogaamineysay howlgaladaan ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in dadka deegaanku u soo gudbiyeen xogta ku saabsan dhagarta kooxda Al-shabaab ee doonayay in ay shacabka Soomaaliyeed ee wadadaasi ku safra ku waxyeelleeyaan miinooyinka ay wadada geliyeen.

Al-shabaab ayaa qaada weerarro ay dhibaatooyin badan kasoo gaaraan shacabka Soomaaliyeed, waloow ay qaarkood ka hor tagaan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Hadalsame Media