Daba-dhilifoow DUF ku bax! Xitaa midka adeegsanayaa waa og yahay dadnimo xumadiisa!

0

(Hadalsame) 06 Okt 2019 – Hogaamiyahii hore ee dalka Jarmalka Adolf Hitler ayaa beri lagu yiri dadkii ugu Doqonsanaa uguna xumaa xaga Damiirka ee Daba dhilifyada kuu ahaa ee aad wada tacaamusheen waa ku weee?

“Waxuu yiri waa kuwo anigoo Wadankooda Hooyo ku duulayo igu caawiyay burburintiisa garabna igu siiyay qabsashadiisa” ayuu yiri hitler.

Hitler kuwaa uu sheegayo ee daba dhilifyada iyo jawaasiista u ah cadawga Soomaaliya waa ay kusoo bateen dalkeena sannadihii bur burka lagu jirey, waxaana sidii aboorka ay u dhex galeen ama ugu milmeen min kasoo bilow dawladda dhaxe ilaa kuwa maamul goboleedyada kuwaas oo shilimaad yar iyo kursi been ah siistay diintooda, dalkooda,damiirkooda iyo dadnimadooda.

Taariikhda marka aanu dib u milicsano shalay ayey aheyd markii kuwa diirka ka ah Soomaali qalbigana xabashi ka ah ay iyagoo horkacaya keeneen dalkeena hooyo cadawga ugu weyn ee ummada Soomaaliyeed ay leedahay ee Itoobiya kuwaas oo xasuuq bahalnimo ah ka gaystay Magaalada Muqdisho waxaana markii shacbiga Soomaaliyeed qoriga ay qaateen oo iska celiyeen ku qasbeen Itoobiya in iyadoo duleysan ay ka cararto dalka.

Maanta qaar kale oo daba dhilafyo ah oo diirka Soomaali ka ah qalbigana Kenyaan ka ah ayaa dalka hooyo kusoo hogaaminaya iyagoo doonaya oo ku garab siinaya Kenya in ay u gacan geliyaan Badda Soomaaliya iyadoo aan ognahay in Kenya ay horey inooga haysatay dhul iyo dad Soomaaliyeed.

Sideedaba taariikhda dunida laguma haayo guul ay gaareen ragga daba dhilifyada iyo jaajuusyada u noqda cadaw dalkooda duulaan ku ah.

Dadka Soomaaliyeed ee damiirkoodu noolyahay jecelna diintooda iyo dalkooda hooyo necebna daba dhilifyada cadawga u adeega waxa ay leeyihiin DABA DHILIFOW DUF KU BAX.

Waxaa Qoray: Cabdullaahi Nuur M Colombo

Hadalsame Media