WAR CUSUB: Maraykanka & Woqooyiga Kuuriya oo Sweden ku kulmi kara (Dhegeyso)

0

(Beijing) 03 Okt 2019 – Kulan ey gabagabada todobaadkan – Sabtida ama Axadda – yeelan doonaan waddammada Waqooyiga Kuuriya iyo Maraykanka ayay dhici kartaa in Sweden lagu qabto, sida ay sheegayaan warar ay faafisay warbaahinta Koonfurta Kuuriya, oo uu soo xigtey Björn Djurberg, oo Ekot ugasoo warrama Beijing.

Waxaa jira dhowr ilood oo qarsoodi ah oo xog ay siiyeen barta NK News oo saldhigeedu yahay Washington iyo caasimadda dalka Koonfurta Kuuriya ee Seoul, ku sheegay in kulanka howleed ee Waqooyiga Kuuriya-Maraykanku uu todobaad dhamaadka soo aaddan ku qabsoomayo dalka Sweden.

Xitaa Wakaalad Wareedka Koonfurta Kuuriya ee Yonhap, iyo wargaysyo kasoo baxa isla dalkaasi koonfurta Kuuriya ayaa werinaya in diblomaasiga wada xaajoodka ugu qaybsan Waqooyiga Kuuriya ee Kim Myong Gil la filayo inuu usoo duulo Stockholm, isagoo soo maraya magaalada Beijing, galabta xilliga maxalliga ah.

Yeelkeede, Safaaradda Waqooyiga Kuuriya ee Stockholm, iyo wasaarad dibadeedka Swedem midkoodna warkan ma xaqiijinin mana beeninin, sida uu sheegay NK News.

Waxay ahayd Talaadadii markii laga war helay in Maraykanka iyo Waqooyiga Kuuriya ay dib usoo celinayaan wada hadalkoodii hakaday ee arrimaha nukliyeerka, tan iyo kulankii ugu dambeeyay ee Madaxwayne Donald Trump iyo hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya, Kim Jong-Un ku dhexmaray caasimadda Haanooy, gugii hore.

Kulankaa Haanooy ayaa waxaa kasii horreeyay mid labada dal ku dhex maray Sweden bishii Jannaayo ee sanadkan. Ha yeeshee, xiriirka labada dal ayaa mar kale madmadow ku jiraa gaar ahaan bilihii u dambeeyay, mudadaasoo ay Koonfurta Kuuriya 9 jeer gantaalo tijaabisey, iyadoo ku dhega hadlaysa Maraykanka.

Xalaytoole oo ugu dambaysay, waxay Waqooyiga Kuuriya tijaabisey hub loo badinayo inuu yahay nooc cusub ee gantaalada gujisyada.

Hadalsame Media