”Kenya haddii ay dadaasho waa ka guulaysan kartaa Somalia” – Standard Media

0

(Nairobi) 03 Okt 2019 – Tan iyo markii ay todobaadkii tegey kulmeed Madaxda Somalia Mohamed Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta oo uu u kala dab qaaday MW Masar ee Abdel Fattah al-Sisi, oo haatan ah Guddoonka Midowga Afrika, waxaa soo baxayay hugun ah inay Kenya quud darraynayso in arrimaha badda laga wada xaajoodo.

Yeelkeede, MW Somalia ayaa khudbad uu ka jeediyay Golaha Guud ee QM ugu quus gooyey filashadii Kenya, haatan warqaadka Kenya kasoo baxa ee Standard Media ayaa dalkiisa usoo jeediyay inay cududdooda iskugu geeyso Maxkamadda ICJ oo uu sheegay inay haystaan kiis fiican oo ay ku guulaysan karaan, xitaa haddii ay Somalia u muuqato mid iska dhaadhicisay inay iyadu badinayso.

”Xitaa jeer ay isku dayayso inay Somalia ka raariddo inay waaqici noqoto, misna waa inay Kenya isu keentaa sharciyaqaannada iyo caddaymaha ugu wanaagsan kahor dhegeysiga dacwadda oo u muddaysan bisha Nofeembar.” ayuu soo jeediyay wargaysku.

”Si kastaba, Kenya waxay haysaa kiis adag oo siinaya fursad wanaagsan oo ay ku guulaysan karto. Balse ma dhici karto inay guulaysato haddii aanay tamarteeda iskugu gaynin jidka aadaya maxkamadda ICJ.” ayuu daba dhigay Standard Media oo dhanka kale cilladeeyay kalsoonida ay ku qabaan Maxkamadda oo uu sheegay inuu madax ka yahay nin Soomaali ah.

Hadalsame Media

Facebook Comments