DHEGEYSO: Tirada dadka guryaha laga saarayo oo sii kordhaysa (Carruurta oo dhib ku qabta & sababta arrintan keenaysa)

0

(Hadalsame) 03 Okt 2019 – Waxaa aad u kordhaysa tirada carruurta laga saarayo guryihii ay degganaayeen, sanadkii 2-aad oo xiriir ah, balse waxaa jira degmooyin arrintan wax ka qabtay.

Ilaa iyo dhamaadkii bishii Juun ee sanadkan, tiro gaaraysa 127 qoys oo carruur leh ayaa guryohoodii laga eryey, taasoo saamaysay 253 carruur ah, waxaana ku dheeraad ah 22 carruur ah marka loo eego sanadkii hore xilligan oo kale. Taasi waxay ka dhigan tahay inuu kororku socdo sanadkii 2-aad.

Kim Johnsson oo qaybta ka hor tagga ugu qaybsan hay’adda maareeysa arrimaha qaamaha ee Kronofogden ayaa ka warramaysa.

– Waxa aan arki karnaa waa kororka lambarka carruurta ay saamaysay guryo iska bixintani. 253 carruur ah ayay saamaysay kaddib markii gurigii laga saaray waalidkoodii, ayay tiri Kim Jonsson.

Kronofogden ma lafa gurin waxa u sabab ah kororkan, balse waxay sheegtay in dhibaatada arrintan asaaska u ihi ay inta badan salka ku hayso walaacyo dhaqaale.

Dhibaato kale waa guryaha lagu kireeyo qaabka gacan labaadka ah – taasoo dowladaha hoose ku adkaynaysa inay wax ka ogaadaan inuu jiro qof halis ugu jira in guriga laga saaro, si loo qaado tillaabooyin ka hortag ah.

Yeelkeede, golaha degaanka Södertälje oo ay arrintani fara ba’an ku haysey ayaa iminka la xaalay oo ilaa xad wax ka qabtay. Tusaale ahaan carruurta ay arrintani saamaysay ee degmadaasi oo sanadkii hore ahaa 24 ayaa iminka 12 lagu soo koobay, taasoo ah dhimis dhan kala bar ah.

Anna Flinck waa agaasime waaxeed ka shaqaysa qaybta shaqada iyo daryeelka maamulka degmada Södertälje. Waxayna sharraxaysaa sida ay arrintan u yareeyeen, iyadoo u sababaysay inay ku timid wada shaqayn horseed ah oo dhexmartay qaybta Daryeelka Bulshada ee Socialtjänsten iyo Kronofogden.

– Waxaan samaynaa dhabbagal xilli hore ah, halkaasoo qoysaska aannu xogohooda helnay waydiinno waxa aanu ka caawin karno, ma jiraan arrimo bulsho? Meel ka dhac? Ma u baahan yihiin kaalmo dhaqaale? Waxyaabahaa ayaannu xilli hore ogaannaa maanta, ayay tiri  Anna Flinck.

Hadalsame Media