”War NEEF baan qabaaye afka ha iga xirinina!” – Erayadii ugu dambeeyay ee Jamaal Khashuuqji oo la faafiyay!

0

(Istanbul) 01 Okt 2019 – Sirdoonka Turkiga ayaa soo saaray cod cusub oo ah erayadii ugu dambeeyay ee uu ku hadlo Jamaal Khashuuqji kahor intaan la si saxariir ah loo dilin, sida lagu daabacay Daily Sabah:

“Afka ha iga xirinina,” ayuu ku leeyahay kuwii dilayay isagoo ku hadlaya af Carabi haatan lagu tarjumey Ingiriisi iyo Turkish. “Waxaan qabaa neef, sidaa ha i yeelina. Waan ku neef qabatoomayaa.” ayaa la maqlayaa isagoo cataabayaa Khashuuqji (AUN).

Sirdoonka Turkiga ayaa sidoo kale lagu boorrrinayaa inay sii daayaan codka oo aan la tarjumin oo af Carabi ah, waayo waxaa markaa sidoo kale meesha soo gelaya codadka kuwa dilaya Khashuuqji oo iyagana la maqlayo.

Codkan ayaa la sheegay inay Turkigu u direen madaxda sare ee Maraykanka oo uu ku jiro Madaxwayne Trump, balse waa diideen inay dhegeystaan.

Maalin dhowayd ayuu Maxamed Bin Salmaan aqbalay inuu isagu leeyahay mas’uuliyadda dilka Khashuuqji ka ”hoggaamiye Sucuudi ahaan”, balse wuxuu dafiray inuu qirto inuu wax ka ogaa mu’aamaraddii lagu khaarajiyay.

Hadalsame Media