DF Somalia oo ku faantay shirka maanta ka furmaya Muqdisho

0

(Muqdisho) 01 Okt 2019 – Dowladda Soomaaliya oo shaacisay tirada dowladaha ay ku casuuntay shir maanta ka furmaya Muqdisho.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed kasoo saartay shir heer caalami ah oo Talaadada maanta ah ka furmaya magaalada Muqdisho.

Shirka Iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho markii ugu horeysay ka furmaya 1-da bisha na soo aadan ee October, waxuuna socon doonaa ilaa 2-da October oo ku beegan maalinta Arbacada.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay soo dhawaynayso shirka caalamiga ah ee iskaashiga Soomaaliya, oo horay loogu qaban jiray qaar ka mid ah dalalka reer Yurub, waxaana lagu sheegay warka ka soo baxay dowladda in ay ka qeyb galayaan wakiillo ka socda in ka badan 50 dowladood.

Shirkaan, oo soconaya muddada labada maalmood ah, waxaa diiradda lagu saarayaa horumarinta dalka Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha Bulshada, Dhaqaalaha, Amniga, Siyasadda iyo Cadaaladda.

ku qabashada shirkan ee magaalada Muqdisho, wuxuu tusaale cad u yahay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay guulaha wax ku oolka ah uga soo hoyisay siyaasadda arrimaha dibadda iyo horumarada kala duwan ee ay ku tallaabsatay” ayaa lagu yiri.

Warka xalay ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu yiri:

“Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaa ka go’an in ay sii laba jibaarto dadaalada lagu hormarinayo dadka iyo dalka Soomaaliya, waxayna ugu baaqeysaa shacabka Soomaaliyeed in ay qayb libaax leh ka qaataan xasilinta iyo dib u dhiska dalkooda hooyo”.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Cabdi

Hadalsame Media