JARRIB JACAYL: Wiil & gabar jacaylkooda dhib badan u maray oo aakhirkii Somalia isku guursadey

0

(Burco) 01 Okt 2019 – Maxamed Yuusuf iyo Nasra Cabdi ayaa ugu dambayn isku guursaday xaafadda Xamarta ee magaalada Burco ka dib markii ay Nasra dhammaysatay sannad iyo lix bilood oo xadhiga ah oo ay ku qaatay xabsiga dhexe ee Burco halka Maxamed-na uu ka soo laabtay safar uu 3 sanno oo bad iyo barri leh kaasi oo uu ugu sugnaa dalal afrika iyo Yurub ka mid ah.

Nasra ayaa xadhiga ku mutaysatay ka dib markii Edadeed abaheed la dhalatay ay ka xaday lacag dhan $8000 oo doollar taasi oo ay dhammaanteed ugu deeqday Maxamed Yuusuf oo gacanta ugu jiray Magafe ku sugan magaalada duleedka Masraata ee Liibiya.

Maxamed oo hore nolol dayacan ugala kulmay magaalada Burco ka dib markii isaga oo 12 sanno jir ah ay isfureen Hooyadii iyo Aabihii ayaa markii ay Magafayaashu dul dhigeen xorriyadiisa inuu bixiyo lacag dhan $5000 qofkii ugu dhawaa ee uu markaasi maskaxdiisa ku soo dhacay inuu lacagtan u sheego waxay noqotay Nasra Cabdi oo ah ardayad sannadka labaad ka barata dugsiga Cabdalle Nuuri ee Burco taasi iyada lafteedu la duruuf ah Maxamed.

Maxamed oo Ooyaya ayaa Habeenimadii Arbacada bishii April ee 2014 soo wacay Nasra oo markaasi dhammaysay dhiqitaanka weelkii lagu casheeyey waxaanu uga waramay xaalkiisa inkasta oo ayna suurogal ahayn inuu dhammaan u sheego dareenkiisa iyo duruuftiisa lacagta uu ku hadlaayey oo ku yarayd awgeed hadana waxa ugu muhiimsanaa in laga rabo lacag dhan $5000 isla markaana aanu haynin cid kale oo ka bixisa.

Nasra ayaa weydiisay numberka ay si joogto ah uga heli karto Maxamed u sheeg waxayna ku ballameen habeen dambe waqtigan oo kale inay soo wada hadlaan.
Nasra habeenkii may seexanin waxay ka fikiraysay meesha ay ka heli lahayd lacagta ku xidhan nolosha Maxamed.

Nasra wax lacag ah oo ay haysaa ma jiro haba yaraatee oo saddexdii maalmood ee u dambeeyey waxay u lugaysay dugsiga ka dib markii loo waayey lacag ay bas ku raacdo.
ugu dambayn waxay xasuusatay in ay lacag aanu qadarkeeda garaynin ay ku aragtay Khasnadda Dukaanka Edadeed oo ku Yalla goobta loo yaqaano Sakatal Yuhuud ee magaalada Burco.

Subaxnimadii habeenkaasi waxay u sheegtay Edadeed in dugsiga ay ka baaqan doonto madaama la fasaxay fasalkeedii, iyada oo ujeedkeedu yahay sidii ay u tagi lahayd dukaanka ay lacagtu taallay.

Nasra waxay u qaaday Quraacdii Cabdi cali oo habeenkii ilaalinayey dukaanka waxayna fursad yar ku heshay inay furto khasnadii lacagta ay ku jirtay gacanta markii ay gelisay waxay ka soo bixisay waxii ku jirayba si deg-deg ah ayeyna u soo baxday xataa Cabdi macasalaama may dhihin.

Iyada oo aan ka fikirin maxaa kaaga iman doona lacagtan aad qaaday ayey Maxamed la hadashay waqti ilaa 11 saacadood ka horreeyey kii ay ballansanaayeen waxayna markii uu ka qabtay Teleefanka hadalkii uga bilawday Maxamed xageen kuugu soo diraa lacagta ?
Maxamed oo faraxsan ayaa u sheegay waxayna u dirtay $8000 oo ka badan lacagtii baahidiisu ahayd markaasi iyada oo u raacisay inuu inta kale badda kaga gudbo.

Nasra may tagin gurigii ay ku noolayd ilaa ay lacagtii ka dirtay , maalinkii labaad ayey gurigii iyada oo diyaar u ah xaalkasta oo ay kala kulanto ay tagtay , waxayna dafirtay inay lacagta qaaday iyadu balse markii saddex maalmood ay jir dil lagu waday ayey ugu dambayn sheegtay.

Aabaheed oo meel 150 Km ku dhanka koonfureed kaga aadan Burco geel ku dhaqda ayaa loo sheegay in lacag loo haysto gabadha uu dhalay waxaanu soo jeediyey in la xidho ama la dilo.

Nasra ayaa xabsiga loo gudbiyey iyada oo qof damaysan ah waxayna halkaasi ku jirtay sannad iyo lix bilood ilaa Maxamed oo isagu safar dhib badan leh ka dib galay dalka Norwey uu ka soo bixiyey lacagtii soo bixiyey.

Maxamed oo saaxiibkii uga waramay qaabka uu lacagta ku soo helay ayaa u sheegay inuu ka soo ururiyey qayb Soomaalida uu la noolaa halka inta kalena uu ka soo jaray noloshiisa .
Maxamed oo Nasra oo hore ballan jacayl ula galay ayaa ugu dambayn todobaadkan Nasra ku aroosay xaafadda Xamarta ee Burco.

Waxaa Qoray: Cumar Seerbiya.

Hadalsame Media