DAAWO: Shiinaha oo soo bandhigay GANTAAL nooc cusub ah oo aanu jirin GAASHAAN cireed qaban kara!

0

(Beijing) 01 Okt 2019 – Shiinaha ayaa soo bandhigay cudud ciidan oo cabsi leh, kuwaasoo ay ku jiraan gantaalaha baalistigga ah ee guuxooda ka dheereeya ee awoodda u leh inay xambaaraan madaxyada nukliyeerka, kuwaasoo weliba ka dusi kara gaashaan kasta oo dhanka cirka ah ee ay haystaan Maraykanka iyo xulufadiisu.

Gantaalahan DF-17 oo ay gawaari waawayni walwaalayeen ayaa ka mid ahaa hubkii saaka lagu soo bandhigay fagaaraha xoriyyada ee Tiananmen Square ee magaalada Beijing, halkaasoo uu Madaxwayne Xi Jinping ugu gacan haadinayay ciidankii lasoo rigeeyay xuska 70-guurada dhismaha Jamhuuriyadda Shiinaha ee casriga ah.

Dadka dagaallada falanqeeya qaarkood ayaa sheegay in gantaalka noocan ihi uu halis ku yahay amaanka gobolka, maadaama xawaarihiisa dartii aan la heli karin waqti lagu go’aamiyo ama lagu tarjumo nooca madaxyada uu sido, si jawaab la gudboon looga bixiyo haddii lacalla uu nukliyeer yahay.

Gantaalahan DF-17 ee guuxooda ka dheereeya ayaa sidoo kale ku duuli kara joog aad u hooseeya, taasoo adkaynaysa inay xitaa raadeerradu arkaan, wuxuuna ka mid ahaa cududdii lagu arkay bandhigga Tiananmen Square oo soconayay 80-daqiiqo.

Waxaa sidoo kale hubka lasoo bandhigay ka mid ahaa DF-41 Intercontinental Ballistic Mesile.

Hadalsame Media