DHEGEYSO: Farmashi lagu qabtay arrin KHALAD ah oo deg deg loo xirey!

0

(Hadalsame) 25 Sebt 2019 – Farmashi ku yaalla xaafadda Barkarby ee degmada Järfälla oo dhacda galbeedka Stockholm, ayaa lagu wargeliyay in albaabada loo laabo sida ugu dhaqsaha badan.

Hay’adda Dawooyinka Sweden ee Läkemedelsverket oo uu go’aankani kasoo fuley ayaa tillaabadaa u cuskatay iimo badan oo laga helay dawooyinka lagu iibiyo farmashiyahaasi, waxaana iimahaa ka mid ah khalad ka jira qaabka loola dhaqmayo dawooyinka u calaamaysan daroogo ahaan iyo sida loo kaydiyo.

Baaris halkaa lagu sameeyay ayaa waxaa kasoo baxay rajeetooyin aan qoristooda waddo sax ah loo marin iyo in maareeyaha Farmashigu aanu aqoon ku filan u lahayn xeerarka ka deggan dalka ee arrimahan khuseeya.

Wararka iminka nasoo gaaraya ayaa sheegaya in Wakaaladda Dawooyinka Sweden ee Läkemedelsverket ay booliiska u gudbisey arrintan.

Cilladaha lagu haysto farmashiyahan ayaa la sheegay inay kusoo bexeen baaritaan guud oo halkaa lagu sameeyay bishii hore ee Agoosto, sida uu sheegayo Martin Lindblom oo ka tirsan Läkemedelsverket.

Hadalsame Media