WARAR IS DHAAFSAN: Saxaafadda Kenya oo qoraysa war ka duwan waxa ku xusan heshiiska Somalia-Kenya

0

(Nairobi) 25 Sebt 2019 – Saxaafadda Kenya waxa ay sheegtay in madaxda Kenya iyo Somalia ka wada hadleen sidii muranka xuduuda badda xal looga gaari lahaa.

Doowlada soomaaliya waxa ay si rasmi ah u sheegtay in labada madaxweyne kulmeen balse arinta badda soomaaliya moowqifkeedu yahay go,aanka maxkamada oo aan laga gorgortami karin.

Marka ay halkaa taagantahay maxaa la gudboon saxaafada soomaalida?

In ay xogta rasmiga ah ee doowlada bixisay qaataan ama in ay keenaan cadeymo muujinaya in soomaaliya iyo Kenya badda ku heshiinayaan. Ma ahan in saxaafada Kenya warkeeda uu kuu noqda il aad xog ka hesho.

SABAB? Waayo saxaafada Kenya waxa warka ay ka eegeysaa wax kasta oo Kenya dan u ah.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Dhoorre

Hadalsame Media

Facebook Comments