DHEGEYSO: Qarax ka dhacay magaalo ku taalla Sweden!

0

(Borås) 25 Sebt 2019 – Habeenkii labaad oo uu qarax ka dhacay faras magaalaha Borås habeennimadii arbacadu soo galeeysay. In yar uun ka hor saqdii dhexe xalay ayaa qarax bam laga maqlay bartamaha magaalada Borås, gaar ahaan arkiifiyada xogaha lagu kaydiyo ee magaalada oo u dhow xarunta wargayska magaaladaa kasoo baxa ee Borås Tidning.

Ciidanka ilaalada bambooyinka qaranka ee Nationella bombskyddet ayaa goobta xirtey iyagoo soo helay bambo kale oo guri samays ah oo aan weli qarxin.

Peter Adlersson, oo ah afhayeenka ciidanka ammaanka ee magaalada Borås, ayaa sida ay wax u dheceen uga warramay Sara Kvist oo ka howlgasha laanta P4 Sjuhärad.

”Waxaa burburtay muraayad ku tiilay daartii uu qaraxu ka dhacay sidaan xogta ku hayno, markii aannu goobta nimidna waxaan ka helney bambo guri samays ah oo aan weli qarxin. Annagoo ku khasbanaaney inaannu u yeerano ciidanka difaaca bambooyinka, kolkii aannu goobta xirney,” sida uu yiri.

Adlersson ayaa wax laga waydiiyay waxa ay ka samaysan tahay bambadan ay heleen ee guri samayska ah, waxaanu ka meermeeray inuu sharraxaad ka bixiyo, sabab la fahmi karo darteed. ”Ma aha arrin aan hadda gelayo, ha yeeshee, waxaa baari doonta Waaxda Bambooyinka Qaranka, si loo ogaado inaan raad ka heli karno qofkii meesha dhigay iyo waxa ay ka kooban tahay,” ayuu raaciyay.

Adlersson ayaa intaa raaciyay in marka la eego qaabka loo qarxiyay muraayadda guriga ay bambada kale ku qaraxday, ay dhici karto inay tahay baaruudda qaraxda oo lala beegsaday, balse wuxuu sheegay in ay taasi weli tahay fikrad aanay caddayn karin.

Sidoo kale in laga joogo 24 saacadood qaraxii xalay hortii ayuu qarax kale ka dhacay waddada Sturegatan ee isla magaalada Borås, midkaasina oo sidoo kale lagu maleeyneyo baaruudda qaraxda.

Hadalsame Media