DHEGEYSO: Dunida oo isha ku haysa HALISKA CILIMADA & Somalia oo ka mid ah meelaha ugu xasaasisan!

0

(New York) 25 Sebt 2019 – Greta Thunberg, oo u dhaqdhaqaada howlaha ilaalinta cimilada ayaa lagu dhawaaqay in la guddoonsiiyey abaalmarinta Right Livelihood Award – ahna abaal marinta bedelka ah ee biladda nobeelka. Waxaana abaalmarinta noocan ah sanadkan loogu tala galay ilaa 4 qofood oo dhiirri gelin u noqday dad malaayiin ah marka ay timaaddo sidii loo hagaajin lahaa cimilada adduunka.

Ole von Uexkull, waa maareeyaha sanduuqa Right Livelihood Foundation, wuxuuna ka hadlayaa sida ay Greta ku mutaysatay abaalmarintan.

”Greta Thunberg runtii saamayn wayn ayay ku yeelatay guddigeenna garsooor ee caalamiga ah, maxaa yeelay dad badan bay ku qancisay inay garowsadaan muhiimadda ay leedahay inay ku lug yeeshaan umuuraha cimilada, waxayna taa ku samaysaa si anshax ahaan cad iyo xogo ku salaysan cilmi,” ayuu yiri Ole von Uexkull, maareeyaha sanduuqa Right Livelihood Foundation.

Ole von Uexkull wuxuu Greta Thunberg ku tilmaamay horseed xiddig ah oo u soo baxday bulshada rayidka ah ee casrigan, isagoo sheegay inay ku guulaysatay inay doodaha siyaasadeed ku soo xirto muhiimadaha taabanaya danaha dadka iyadoo baabi’isay khiyaaligii ahaa inay qof kasta dan u tahay in jiho khaldan lagu sii socdo, iyadoo dadka ku boorrinaysa in aan loo malaynin inay wax kastaahi caadi yihiin iyadoo lagu joogo jidkii jabka iyo halaagga.

Wuxuu sheegay in farriinta udub dhexaadka ihi ay tahay in qof kastaahi wax ku tabaruco si isbeddel u yimaado, taasoo ah farriin uu sidoo kale qabo Right Livelihood Foundation.

Waxaa intaa dheer in abaalmarinta ilaalinta kaymo roobaadka Amazon la siiyay Davi Kopenawa oo kasoo jeeda dadka asaliga ah ee Yanomami-ga ee dalka Brazil. Ole von Uexkull markale.

”Amazon waa arrin iminka taagan kaddib dabkii halkaa ka dhacay xagaagii, waxayna muujinaysaa cadaadiska qayrul caadiga ah ee ay u bandhigan yihiin noolaha kala duwan ee kaymahaa ku nool (biodiversity). Waana taas sababta ay muhim u tahay in la taageero in ay dadka asaloowga ihi xuquuqahooda u istaagaan,” ayuu yiri Ole von Uexkull.

Labada kale ee abaalmarintan qaadanaya waa Aminatou Haidar oo muddo dheer u doodaysay xuquuqda dadka Western Sahara oo u dagaallamaya inay ka go’aan dalka Marooko iyo qareenka Shiinaha ee Guo Jianmei oo taageero dhanka sharciga ah siiyay kumannaan haween ah oo faquuq dhanka jinsiga ah kala kulma bulshada Shiinaha.

Somalia ayaa ka mid ah meelaha ay faraha ba’an ku hayso cimilada sii xumaanaysa, iyadoo aysan jirin siyaasad iyo dhaqan umadeed oo ku wajahan dhowrista bay’ada iyo degaanka, waxaana haatan aad usoo noqnoqda abaaro ka dhashay roob yarida oo iyaduna salka kusii haysa dhir yarida, sida ay qabaan culumada degaanku.

Hadalsame Media