Yaa guulaystey Somalia & Kenya?!! – Kenya oo is waal badan kaddib soo RUJUUCDEY!

0

(New York) 25 Sebt 2019 – Waxaa magaalada New York oo ah caasimadda xarragada iyo ganacsiga Maraykanka ka dhacay kulan rasmi ah oo dhexmaray labada Madaxwayne ee Somalia iyo Kenya, Md Farmaajo iyo Kenyatta.

Wuxuu kulankan oo noqonaya midkii ugu horreeyay ee labada dal dhex maray tan iyo bishii Maarso ee sanadkan horraantiisii keenay in la gaaro heshiis ka kooban ilaa afar qodob oo aanay dabcan ku jirin in arrimaha badda laga xaajoodo, sida ay Kenya doonayso. Waxaa qodobbadaasi kala yihiin:

1. In xiriirka labada dal lagu soo celiyo halkii uu taagnaa horraantii Febraayo, 2019.

2. In la sameeyo guddi isku dhaf ah oo ka shaqeeyo kalsooni abuurista labada dal.

3. In kiiska dacwada badda loo daayo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka.

4. In la sii joogteeyo wadahadallada.

Haddaba yaa guulaystey ilaa haatan?

Waloow aan weli la go’aamin karin waxa ay arrintani ku dambayn doonto, maadaama bishii Maarsaba Kenya lala gaarey heshiis noocan oo kale ah, misna waxaa muuqanaysa hal arrin oo ay Kenya maanta xaqiiqsatay, taasoo ah inaysan Somalia u fududayn sidii ay filaysay.

Waxaa cadaadiska Kenya – oo beryihii dambe iskeed iskaga aamustay – laga dareemi karey sidii ay Madaxwaynaha uga baryeen inuu la hadlo shirkii Yokohama iyo sida uu Kenyatta u faraxsanaa markii ay sawir saxaafadeedka gelayeen heshiiska kaddib.

Tan iyo markii ay DF Somalia ay dacwaddan horgaysey Maxkamadda ICJ 28-kii Agoosto 2014, waxay Kenya oo Somalia yaraysanaysaa aad u akhrisanaysay kitaab ay iyadu ”NACAM NACAM” ku dhigatay oo u sheegaya inay 5-0 diri doonto Somalia, iyadoo isu arkaysay dal Somalia ka qiyam sarreeya ugu yaraan dhanka mudnaanta diblomaasiyadeed (diplomatic prestige).

Waxaa kale oo Kenya aad uga daadegsanayd inay ka faa’iidaysan karto kala qaybsanaanta siyaasadeed ee Somalia, iyadoo dhowr mar duntay dhowr siyaasi oo lagu xanto inay danohooda gaarka ah iyo kursi jacayl wax kasta u fali karaan, horayna aan diiwaan wanaagsan u lahayn.

Ha yeeshee, kaddib dhowr isku day oo shaqayn waayay iyo dhowr fagaare oo caalami ah oo ay labada dal isku qabteen oo Kenya si aanay filayn lagaga adkaaday, waxay haatan Kenya u muuqataa mid garatay in Somalia ay tahay dal mudnaan caalami ah iyo mid gobolba leh, isla markaana ka ololayn kara fagaarayaasha caalamiga ah, sidaa darteed, ay wax badan ku waayayso la sii col ahaanta Somalia.

Somalia lafteeda uma sahlana inay lumiso Kenya oo waxaa jira dano badan oo iskaga xiran labada dal iyo labada shacab, balse Somalia oo iminka dal weli burbursan waxaa sii wayn danta ay Kenya ku qabto Somalia, min dadka malaayiinta Shilin canshuur ahaanta usoo geliya, qaadka sunta ah ee doollarka laga siisto, kumannaanka Kenyan-ka ah ee Soomaalida u shaqeeya ilaa gudaha Somalia ilaa hay’aadka caalamiga ah ee Kenya ka howlgala iyagoo ka shaqeeya arrimaha Somalia.

Qaybtan dambe waxay Kenya ku baraarugtey markii ay DF diiddey inay ka qayb gasho shirarka Kenya lagu dhigo kaddib markii garoonka laga celiyay saraakiil ka tirsan DF.

Waxaa kaloo Somalia guul ugu filan in heshiiskani uu kaliya ka kooban yahay tibxaha ay Somalia mabda’iyan ogoshahay oo aanay ku jirin wax ay ka tanaasushey, taasina waa horumar kale.

Si kastaba, waqtiga ayaa sheegi doona, balse ilaa haatan waxaa ciyaarta diblomaasiyadeed ee Somalia iyo Kenya ku gacan sarreeysa Somalia.

Forza Somalia.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media