Haddii aad isku aragto inaad markale HUBISO wax kasta oo aad samayso wax miyaa kaa KHALDAN?! (Ka faa’iidayso)

0

(Hadalsame) 25 Sebt 2019 – Bal ka bogo arrimahan. Dadka iyagoo albaabka xiray hadane ku laabanayo si ay u hubiyaan inuu xiran yahay.

Dadka moobeelkooda jeebka galiyay, kadibne taataabanaayo si ay u hubiyaan inuu ku jiro.

Dadka massage ay direen mar kale akhrinaayo si ay u hubsadaan inuu qoraalku saxsanaa.

Dadka gurigooda markay ku soo laabtaan qololka dhan soo fiirinayo inta aysan salka dhigan.

Dadka iyagoo damiyay nalalka qolalka kale, kadibne ku laabanaayo si ay u hubiyaan inuu dansan yahay.

Dadka kabahooda intaysan cagta gelin iska fiirinaayo inay wax ku jiraan iyo in kale.

Dadka iyagoo hurdo isku diyaariyay hadane ku soo laabanayo jikada si ay u hubiyaan inay gaaska xireen iyo in kale.
_____________________________________

Haddii aad ka tirsan tahay qoladaan, ogow waxba kaama qaldana, mana waalan rabtid waxaadne leedahay dabci taxaddar ku dhisan, dad badan ayaana dabcigaan ku la qaba, waxaana la yiraahdaa “conscientiousness personality”.

Xigasho: SomaliDoc

Hadalsame Media