”YAA MUSLIM AHEEY?!!!”

0

(Hadalsame) 23 Sebt 2019 – Saacadu waa 02:00 habeennimo, dariska badankiis way wada jiifaan, cida qura ee gurigayaga kasoo jeeda waa aniga, cod aad u xabeebsan oo aan kala saari waayey wiil iyo gabar cida uu yahay ayaan ku qeylinayo “Yaa muslim aheey”.

Dareenka naxariiseed iyo mida cabsiyadeed ee aan qabo waxaa batay kan cabsida, maxaa yeelay goobtu waa Muqdisho, saacaduna waa 02:00 habeennimo, maskaxdaydu waxay iswaydiinaysaa su’aallo badan oo ay ugu horreyso waxa uu damacsanyahay qofkaa islaamka raadinayo, yaa islaamnimada lagu gaadi rabaa, waa qof waalan oo xanuunsan ee banaanka ha u bixin, malaha qof dumar ah ayaa jidka ku dhex umushay oo isbitaalkii gaari waysay, tuug baa dad baaranaya. Intaas iyo ka badan ayay maskaxdaydu iswaydiinaysay.

In aan caawiyo in ka badan ayan ka fekerayey dhibaatada iga soo gaari karta qofkaas hiilka islaamnimo u baahan, mar baan is iri adiga maalin muslim ayad tahay ee kuwa habeenka ha caawiyo qofkaasi. Intaa oo idil waxa iga keenayo ma ahan naxariis-darro ee waa duruus aad u qaraar oo waqtiga iyo waayaha xamar na bareen, qeylida iyo sawaxanka irida ka yeereyso ayuu Aabbe kusoo toosay, dhankii irida ayaannu nimid, ganjeelku ilaa dhowr quful baa ku xiran.

“Aabbe ha furin, meeshu waa Muqdisho” ayaan lasoo booday.

Hubin kadib waxan isla garannay in aan furno oo aan u gurmano cida caawinaada u baahan, waan furnay, mise guri hortiisa waxaa saxarir ugu dhiman raba dameer sida hilib aad u tiro badan oo gaddoomay, dariskii ayaa mar qura soo wada baxay, dameerkii ayaa laga furay xerkihii ku xirnaa, kaalayba gaari dameerkii nuuxiya, ilaa 7 qof ayan si dhib badan kor ugu qaadnay gaarigii. Wiil yar oo caato ah ayaa wada gaari-damaarka, ar saaxiib naxariis darnidaa intan oo culees ah maxaad usoo saartay dameerka aya. Ku iri. Wuxuu iigu jawaabay:

”labo neef iyo bar geel ah hilibkooda ayan wadaa, caawo wax badan masoo saarin oo saddex neef ayan soo qaadi jiray ee dalacaada jidka iyo dameerka oo KUFTO qaba awgeed ayaa keentay inuu gaddoomo.

”Saaxiib haku celinin dameerkan jug ayaa gaartay ayan ku iri, cid aan asiga ahayn ma hayo oo shan sanno ayan ku shaqeynayaa ayuu igu yiri, shan daqiiqo kadib hilibkii ayuu saaray, wuuna naga tagay.”

Soomaalidu xayawaanka u darnaa oo naxariis darranaa, Alle maxay dunida ugu cadaabayaan, mawaysan ka cabsanayn in aakhiro ayagana sidan loo cadaabo, casrigan lagu jiro maxaa keenay in dameer culeyskaas la saaro, ganacsatada indho-adkaa maxay baabuur ugu shaqeysan la’yihiin, waqtigan lagu jiro sidee dameer loogu shaqeysanaa oo culeys intaas la’eg loo saaraa ayada oo baabuur la heli karo!

Xigasho: Cumar Yuusuf

Hadalsame Media