Sheekh Shariif oo la sheegay in lagu xannibay Garoonka Aadan Cadde (Maxaa cusub?)

0

(Muqdisho) 22 Sebt 2019 – Warar aan si buuxda loo xaqiijin karin oo naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in garoonka Aadan Cadde ee caalamiga laga celiyay Madaxwaynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Ilo ku sugan Garoonka ayaa Hadalsame u sheegay in Sheekh Shariif uu doonayay inuu u safro magaalada Kismaayo si uu uga qayb galo xaflad caleemo saar ah oo la sheegay in loo sameeynayo Axmed Madoobe 26-ka bishan Sebtembar oo ay doorashadiisa DF Somalia ku tilmaantay mid aanay waxba ka jirin.

Wararku aannu heleeyno ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu ku safrayay Blue Sky waxaana lagu wargeliyay inaan iminka loo fasixi karin inuu u safro Kismaayo isagoo kasoo duulay dhanka Turkiga.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xitaa dayuuradda laga rogey dadkii kale ee rakaabka ahaa iyadoo gebi ahaanba dayuuradda laga joojiyay inay safarkeeda sii wadato.

Warar kale ayaa sheegaya in ay socoto waanwaan lagu doonayo inuu Shariifku safarkiisa sii wato, halka ay qaar kale sheegayaan inuu magaalada galay oo loo diidey inuu halkaa u safro, lama oga inay DF diidmadan u cuskatay warqad ay dhowaan soo saartay oo dalbanaysa rukhsad 24 saac kahor ah in dayuuradda la siiyo kahor inta aysan aadin Kismaayo.

DF Somalia weli kama hadlin arrintan.

Hadalsame Media

 

Facebook Comments