”Dalka dowlad baa ka talisa!” – Madaxdii hore ee dalka soo xukuntay waxay mudan yihiin XUSHMAD, balse iyagana waxaa jira XAQ ku waajibey!

0

(Hadalsame) 23 Sebt 2019 – Madaxdii hore waa inney jaanis siiyaan dowlada hada jirta, xilligoodi wey soo qaateen samaan iyo xuman waxey falleena waa loo ogyahay.

Dowladu hadey aqoonsan weyday maamulka Jubbaland oo sida ay sheegtay habraaci wasaarada ee doorashada jubland hareer maray, waa in lagu tix galiyaa goaankooda sababtoo ah dalka ayagaa kataliya.

Md. Xasan Sheekh xilligii uu madaxweynaha ahaa wuu inkiray jiritaanka maamulka Axmed Madoobe, balse laguma colaadin go’aankaas in kastoo uu Madoobe xoog kusii watay nidaamkiisi inuu ka shaqeysiiyo.

Dalku mucaarad lasoo tijaabiyay kama taliyo ee dowlad ayuu leeyahay. Halala shaqeeyo dowladda, madaxda soo martay dalka waqtigoodi talada way dhamaatay.

Kama hadlayo go’aanki madaxweynihi hore looga celiyay safarka ma saxan yahay mise wu khaldan yahay.

Madaxdii so martay dalka mudnaan iyo qadarin bay leyihiin, ha yeeshee waa inay dalka hore u socodkiisa ka shaqeeyaan ayaguna oo aysan nagu celin kala qoqobnaan iyo dagaal siyaasadeed.

Nin walba intow joogo asiga in lala shaqeeyow jecel yahay.

Waxaa Qoray: Yoonis Ciise Diiriye

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media