”Shacaboow dantaada raaco!” – Hardanka Siyaasadeed haku koobnaado horseedka siyaasadda!

0

(Hadalsame) 23 Sebt 2019 – Muwaadiniinta waxaa ka badan umuurahooda nololeed sida; raadinta quntulyoonka qoska (Winning bread for their families), kula xisaabtanka dowladda talada haysa ka soo dhalaalidda ballanqaadyadii xuquuqda maamul (Governing Legitimacy) lagu siiyey iyo ilaalinta sharciga iyo kuwo kale oo badan.

Hase yeeshee, marka muwaadinka ay ku adag tahay in uu maareeyo waxa aas aaska u ah noloshiisa uu ku habsaamo xarig jiidka siyaasadeed ee u dhexeeya kuwa jooga oo raba in ay xajistaan.

Kuwii hore oo raba in ay soo laabtaan iyo kuwo raba in ay markii ugu horreeysay dhadhamiyaan waxaa lumaya sidii horeba u dhacday jihada dowladnimo (Course of the State) iyo midda ummadeed (Value of the Society).

Sudan kaligii taliye ayey bulshadeedu ku rideen Roooti qaaliyoobay halka Soomaalideena marka qura ee ay kacdoon sameeyaan ay tahay marka Siyaasi aan aqoon balse tirsi qabiil ka dhexeeyo sheeko ku qalloocato, mid kii wax sameeyey ayuu taageeraa midna kii lagu sameeyey!!

Aan Siyaasadda u dhaafno kuwa tirada Yar (Elites) ka Jila ee kolba dhinac isu koooxeysta, 20keena malyan ee nolosha aas aasiga ah la daalaa dhacayana inta isha ka fiirsanno maalintaan cod wax go’aamiya yeelanno marba qolo tijaabinno.

Waxaa Qoray: Maxamed Kaafi

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media