Sheekh Shariif waa laga gar daran yahay! (Akhri inta kale ee laga gardaran yahay!)

0

(Hadalsame) 23 Sebt 2019 – Waxaa baraha bulshada ka taagan dood inta badan u sameeysan qaab xiiqsanaan iyo qiiro ah oo markii ayaan la joogaba mar qac laga siiyo, taasoo aan inta badan ku saabsan wax ay wax uga kordhayaan shacabka doodaya, balse inta badan ku fooggan siyaasiyiin aan aqoonin danna ugu maqnayn oo ay janjallada kala haystaan.

Haddaba Abuukar Albadri ayaa qoraal yar oo maad ah ka sameeyay, kaasoo uu cinwaan uga dhigay in ”QOF KASTA LAGA KHALDAN YAHAY!”

1. Sheekh Shariif waa laga gardaran yahay, waayo waa Madaxweyne hore oo mudnaa in aan la taaban xasaanaddiisa, loona ogolaado inuu safarkiisa sii wato.

2. Axmed Madoobe waa laga gardaran yahay, waayo inuu maamulkiisa sida uu rabo u maamusho ayaa loo diidan yahay.

3. Dowladda waa laga gardaran yahay, waayo dalka ay dowladda u tahay in ay iyada maamusho oo amarkeeda looga danbeeyo ayaa loo diidan yahay.

4. Mucaaradka waa laga gardaran yahay, waayo, wax xoogaa waa loo dowladeeyey oo fullinta amarro dowladeed oo aysan u baran ayey la qabsan la’ yihiin.

5. Shacabka waa laga gardaran yahay, waayo taladana wax kuma lahan, dhibka ugu badanna iyaga ayuu ku dhacayaa.

6. Wasiir Oomaarna waa laga gardaran yahay, waayo isagaba inuu Kismaayo intuu tago iska sharraxo, tartamo ayaa loo diiday.

7. Diyaaradahana waa laga qaldan yahay, waayo shaqadoodii ayaa laga joojiyey oo dhaqaalahoodii ayaa hoos loo dhigay.

8. Adigana waa lagaa qaldan yahay, waayo in aad naxligan aqrisidba may aheyn.

Waxaa Qoray: Abuukar Albadri

Hadalsame Media