”Waxa aad Facebook ku haysaan waa wixii horay loogu halaagmey!”

0

(Hadalsame) 23 Sebt 2019 – Awkuukuu Allaha unaxariistee oo Riwaayaddii Mushaakilka Jaceylka wax ka jilaya ayaa inta loo yimid waxaa looga sheekeeyay jaceyl.

Markaasuu yiri:- War Jaceyl ha igu soo sheegin, kii laysku dhameeyi waaye,…..Oo Alaabta dhan lagu jajabiyi waaye….Oo muraayadaha lagu baduuqi waaye…Oo Anni xitaa aan miiska hoostiisa ugali, ee haba igu soo sheegin kaas.

Hadda waxaan leeyahay reer Facebook waxyaabaha qaar ee aad soo qoreysaan:- Soomaali wixii isku jabjabisi waaye,….Wixii dalka lagu baduuqi waaye,….Wixii meesha aan joogno na dhigi waaye….wixii aan dhimashada, dhaawaca & burburka aan ka soo dhaxalnay waaye,…Wixii idinka qaxooti idinka dhigay waaye….Wixii unnuka Qarax sugayaal naga dhigay waaye.

Wixii ay dhalinyaro & waayeel badani godka hoostiisa ugu jiraan waaye ee maskaxdeennu haka korto wax kasta oo dib noo celin kara, annagoo awoodna inaan horusocodka dhexdiisa ku saxno khaladaadka yimaada.

Midna ogaada khalad siyaasadeed kasta oo dunida ka dhaca wuxuu la mid yahay khalad xisaabeedka aan dhamaanteen soo wada marnay yaraanteennii waxaase jira hab ay macalimiinteenu xisaabta khaldan noogu sixi jireen, Tusaale:- 2+2=4 ruuxna kama dhigi karo duniduna kama aqbaleyno 2+2=7.

Maxaa yaab isdabayaal.

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Faarax Dulyar

Hadalsame Media