DARAASAD: Yaa FARXAD badan ragga qaba haweenka buurbuuran & kuwa CAATADA ah?!!

0

(Hadalsame) 23 Sebt 2019 – Daraasad ay sameeyeen Dr Philemon Alvarado iyo Dr. Edgardo Morales oo u dhashey dalka Mexico ayaa waxaa lagu ogaadey in Ragga Guursada Dumarka Buur buuran/ cayilan ay mar walba ka farxad badan yihiin Ragga Qaba Xaasaska Dhuu dhuuban ama caateysan.

1 – dumarka cayilan waa kuwo markasta u hugaansama Ragooda.

2 – Dumarka Cayilan ragooda waxaa ay ka dhigaan kuwa mar kasta dhoola cadeeya.

3 – Ragga waxaa ay jecel yihiin xaasaska aan socodka badneyn taasi daraadeed dumarka cayilan waa guri jog badan yihiin ayaa daraasaada lagu yiri.

Daraasaada ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegey in Dumarka dhuu dhuuban ay aad u war badan yihiin ragana aan jecleyn dumarka noocaas ah.

Dumarka caataha ah waa kuwa dunida ugu maseerka Badan raga ma jecla dumarka masreyrka waalida ah qaba.

Sidaasi daraadeed, haddii wax lagu qaato daraasaddan, ragga ay saasaskoodu cayilan yihin qabow ayay ku jiraan ayaa la leeyahay, halka kuwa xaasaskoodu caatada yihiinna ay ku jiraan hur iyo kulayl, balse markasta sidaa ma noqon karto.

Waxaa Diyaariyay: Xasan Sabriye

Hadalsame Media