”Kuwii shalay in maamul-goboleed hawada xiro RAGANNIMO ku tilmaamayay ayaa maanta DF sharci jebin ku eedaynaya!”

0

(Hadalsame) 23 Sebt 2019 – Kuwii shalay ammaanta u kiilaayey oo raganimada u arkay markii Musharax Madaxweyne Axmed Madoobe uu hawada ka xirtay masuuliyiintii Dowladda Faderaalka ah ee ay khuseysay doorashada Jubbaland sida Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Amniga iyo Hantidhowrka ayaa maanta leh sharci baa la jabiyey oo hawadaa maxaa looga xirtay.

Waxaase kasii daran, Madaxweyne Axmed Madoobe intii uu shalay galab u soo celiyey diyaarad ay tobaanan muwaadiniin ah saaran yihii sababtee Madaxweyne Sheekh Shariif looga soo tagay ayuu maanta ku doodayaa sharci baa lagu tuntay.

Muwaadinka Soomaaliyeed in la qiima tiray waxaa kuu caddeyn ah, shalay imisa carruur, hooyo, waayeel, waalid iyo qooysas u soo rafaaday safarkaas haddana soo celintooda lamaba kala jecla.

Reer Galbeedku waxa ay ku hora mareen waa in dadka isku wada xaquuq yihiin madax iyo majo.

Waxaa Qoray: Maxamed Bashiir Jaamac

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media