DAAWO: Booliiska oo raadinaya gabar Soomaali lagu qiyaasayo oo arrin lala yaabay ka samaysay magaalada London + Sawirro

0

(London) 23 Sebt 2019 – Booliiska London ayaa soo gudbiyay muuqaalka gabar dhallinyaro ah oo Soomaali lagu qiyaasayo, taasoo ku eedaysan inay aflagaaddo cunsuriyadaysan kula kacday nin Hindi ah, jeer ay eegayaan rakaabkii oo ashqaraarsan.

Muuqaalka ayaa muujinaya haweenaydan oo weliba xijaaban oo ku qaylinaysa nin lagu sheegay Hindi oo ay ku leedahay: “Kaari ayaa kaasoo uraya, nacasyohow qashinka ah, ku laabo isku rarantaadii xumayde Southall.” iyadoo weli adeegsanaysa luuqad aynaan halkan kusoo qori karin.

Rakaab yaabban ayaa markaa eegayaa gabadhan ubrinaysa oo saarrayd baska lambar 195 ee ka shaqeeya Hayes, Galbeedka London.

Muuqaalka, waxaa iyada gadaal ka haysa oo celinaysa haweenay kale oo la rumaysan yahay inay hooyadeed tahay, xilli ay ku qalinayso: “Ii daa aan ku dhuftee.”

Ninka ayaa la maqlayaa isagoo shidanaya gabadha wuxuuna u sheegayaa in rakaabka oo dhami isaga la safan yihiin, isagoo leh: “Ooh, qof kasta aniga ayuu ila jiraa.”

Booliiska ayaa iminka soo saaray muuqaalka gabadhan iyagoo bulshada ka codsaday in lasoo bar garto si dembigeeda loogu qaado.

Dhaqan ahaan Soomaali badan waxan oo kale in badan agtooda waa ka caadi, balse waa wax ay aad uga yaxyaxaan dadka xeeriya qiyamka insaanka.

Hadalsame Media