DAAWO: ”Mustaqbalka dalka laguma aamini karo Farmaajo & Khayrre!” – Sheekh Shariif oo furka xooray + Sawirro

0

(Muqdisho) 23 Sebt 2019 – Madaxweynihii hore ee Somalia, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shir jaraa’id dhowaan ku qabtay hoyga uu ka deggan yahay magaalada Muqdisho ayaa si kulul uga hadlay wax uu ku sheegay ”is hortaaggii shalay lagu sameeyey,” jeer uu u safri lahaa magaalada Kismaayo oo ah xarunta KMG ah ee Jubbaland.

Ugu horreyn ayaa madaxda sare ee DF ku eedeeyay inay baal marayaan shuruucda dalka, oo sida uu yiri laga rabay inay dhowraan:

“Xisaab malaha Inta jeer ee ay madaxda dowladdu garab mareen sharciga u yaal dalka.” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in isaga iyo Madaxweyne Farmaajo ay u siman yihiin sharciga dalka, isagoo tilmaamay in xuquuqdiisa muwaaddinnimo ay siinayso inuu u dhoofo ama dalka kasoo galo halkii ay isaga la noqoto, sida uu sheegay.

Shariifka ayaa ku abaal sheegtay in xilligii uu Madaxwaynaha ka ahaa dalka ay dowladdiisu dadaal badan gelisey gegada caalamiga ah ee Aadan Cadde, kaasoo uu sidoo kale sheegay inay dib u fureen kaddib markii uu xirnaa muddo 11 sanadood ah.

“Garoonkii ay intaas oo howl ihi iga soo gashay, haddii la ii ogolaan waayey, yaa loo ogolaanayaa?.” ayuu is waydiiyay.

Shariifka ayaa sidoo kale saluugey sida mustaqbalka Farmaajo iyo Khayrre loougu aamini karo dalka, gaar ahaan doorashada 2020-ka, maadaama ay sida uu sheegay ”hareer marayaan shuruucda dalka.”

Dad badan ayaa is waydiinaya sababta ay xisbiyada dalka iyo mucaaradku aanay u sheegin in Axmed Madoobe sharciga jebiyay markii uu ku dhawaaqay inuu bad, berri iyo cirba ka xirey Jubbaland xilligii la qabanayay doorashadii muranka dhalisay, iyadoo ay weliba jirto in sharci ahaan aanu maamul-goboleed xaq u lahayn inuu xiro xuduud cireed, dhuleed ama badeed oo ay taasi tahay mid u dhowran dowladda dhexe.

Hadalsame Media