MABAADII’DA CADAALADDA: Eed aad hal dhinac ka maqashay haku xukumin dhinaca kale! (Eedaha baraha bulshada)

0

(Hadalsame) 22 Sebt 2019 – Mabaadi’da dabiiciga ah ee caddaalada (Principles of Natural Justice), ee intii aadanuhu jiray diintu doono ha aaminsanaado ama yaanu diinba haysane aqoonsaday ama se ku soo dhaqmay waxa ka mid ah; mabda’a af Laatinka ku qoran ee “Audi alteram partem”, oo macnahiisu noqonaayo In la dhegaysto dhinaca kalena “hear the other party”.

Si kale hadaan u dhigo waa in aan qofna la odhan karin ama lagu xukumi karin inu dambiile yahay ama In aanu dambiile ahayn, iyada oo aan labada dhinac laysku dhegaysan lana siin fursado siman oo ay isku difaacaan.

Haddaba, inaga oo ka mid ah ummadaha adduunka ku uumman ee dhaqankooda iyo diintooduba mabda’an cadaaladeed farayaan, ayaa aynu caadaysanay inaynu si degdeg ah u xukunno qof la eedeeyay inaga oo aan qofkaas dhegaysan, wax fursad ahna siin.

Tusaale ahaan; maalmahan waxa baraha bulshada la wadwadaa waraysi dheer oo laga qaaday weriye hore uga tirsanaan jiray laanta afka soomaaliga ee BBC, oo ku eedaynaysa ninkii waagaas madaxda u ahaa inu cadaadin jiray una geysan jiray tacadiyo. Waxa haaraan, cay iyo aflagaaddo ninkaas laysugu daray waad yaabaysaa, iyada oo xukunkaas loo cuskanaayo xog dhinac keliya ka soo baxday, halkii ay ahayd In aynu qofka la eedaynaayona dhegaysano.

Caddaaladana waynu jecel nahay, dhabbaha loo marona ma naqaanno.

Waxaa Qoray: Maxamed Cali-ruush oo ah sharci yaqaan

Hadalsame Media