Taageerayaasha Man City oo ka walaacsan tillaabo ay ku dhaqaaqday xaaska Guardiola + Sawirro

0

(Manchester) 22 Sebt 2019 – Xaaska Pep Guardiola ayaa dib ugu noqotay dalka Spain – balse taageerayaasha Manchester City ayaa loo sheegay inaysan arrintaa aad uga murgin, iyagoo woxoogaa ka walaacey inay tasi astaan u tahay inay waayi karaan macallinkooda rikoodh jebiska ah haddii ay xaasku meel kale u wareegto.

Sunday Mirror Sport ayaa fahamsan in xaaska Guardiola, Cristina, ay ku guryo noqotay Barcelona iyadoo wadda mid ka mid ah 3-da carruurta ah ee ay u dhashay Guarda, balse waxay halkaa u aadey arrimo ganacsi.

Mrs Guardiola ayaa ganacsi dhanka xarragada ah ku leh Catalonia waxaana la sheegay inay u kala safraysay magaalooyinka Manchester iyo Barcelona 3-dii sanadood ee ugu dambeeyay.

Yeelkeede, haatan ayaa la sheegayaa inay si joogto ah u saldhigan doonto magaalada Barcelona ugu yaraan dhowr bilood ee soo aaddan, kahor inta aanay dib ugu laabanin xaafadda ay haatan deggan yihiin qoyska Guardiola ee Manchester.

Pep ayaa isna sidaa ku haynaya labada ilmood ee kale – si uu halkiisa uga sii amba qaado qaddiyada ah inay hantaan horyaalkii 3-aad oo xiriir ah oo Premier League ah iyo hanka ah qaadista Champions League.

Hadalsame Media