DF Somalia oo xaaladda kusii cakirtay diyaaradaha u duulaya Kismaayo (Shuruud cusub)

0

(Kismaayo) 22 Sebt 2019 – DF Somalia ayaa weli kubad dhagax la ciyaaraysa Axmed Madoobe, iyadoo ay Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) ayaa iminka amarro cusub dul dhigtay shirkada duullimaadyada ee aadaya Kismaayo.

Amarkan cusub ayaa dhigaya inay shirkad kasta oo u duuleysa Kismaayo ay rukhsad rasmi ah soo weydiisato Xafiiska SCAA, kaasoo weliba loo baahan yahay 24 saacadood kahor.

QAABKA – Hay’adda ayaa sheegtay inay sharikaadka duullimaadka uga baahan tahay inay hay’adda SCAA soo waydiistaan rukhsad duullimaad 24 saacadood kahor xilliga ay safrayaan, si loo eego arrintooda kaddibna loogu ogolaado ama loogu diido.

Hay’adda SCA ayaa durba la sheegayaa inay diyaarisay foomam la buuxinayo oo fasaxaa lagu codsanayo, kaasoo ay soo buuxinayaan sharikaadka u duulaya Kismaayo.

Waxaa warqadahan la socda tibxo iyo shuruudo lagaga baahan yahay inay shirkad kastaahi buuxiso.

Arrintan ayaa loo arkayaa mid ku ligan Mudane Axmed Madoobe oo ku dhawaaqay in dib loo doortay muddo kale oo 4 sano ah, isagoo qaban qaabinaya xaflad caleemo saar ah oo sida la yiri uu ku casuumey madax fara badan oo maxalli ah, balse lama oga sida ay ku dhici doonto.

Hadalsame Media