SAWIRRO: Nin geeriyoodey isla markii uu jacaylkiisa u bandhigay inuu guursanayo (Ma qaadan kartid meesha uu ku dhintay!)

0

(Darussalam) 22 Sebt 2019 – Nin ayaa si faj’a ama soo booddo ah mar qura hafasho ugu dhintay jeer uu xiriir guur usoo bandhiganayay gabar uu jeclaa, isagoo sidaa ku sameeynayay biyaha guntooda iyagoo fasax u jooga Tanzania.

Steven Weber Jr. ayaa geeriyoodey daqiiqado uun kaddib markii uu si shakhsi guur uga codsaday saaxiibtii Kenesha Antoine isagoo usoo bandhigay far-galkii doonashada, sida caadada u ah reer Galbeedka.

Duruufaha geeridiisa ku hareereeysan weli lama sheegin, ha yeeshee, mucaashaqadiisii Kenesha ayaa arrintan Facebook ka sheegtay Jimcihii, iyadoo ku doodaysa inaysan helin fursad ay ku tiraahdo ”haa”.

Muuqaal ay soo bandhigtay oo ay ka muuqdaan lamaanahan Maraykanka ah ayay ku tiri iyadoo qiiraysan: “Ma hayo erayo ku filan inaan sharfo naftii quruxda badnayd ee Steven Weber, Jr. Waxaad ahayd iftiin u birbiraya qof kastoo kula kulma.”

“Marna moolkaa kama soo bixin, sidaa darteed igama maqal jawaabtayda, “Haa! Haa! Milyan jeer, haa, Waad i guursan doontaa!!”.” ayay raacisay.

SIDEE WAX U DHECEEN?

Muuqaalka ayaa waxaa ka muuqda Steven oo ku dabaalanaya biyaha hoostooda isagoo wada bac uu dhex geliyay warqad ay ku qoran tahay: “Neefta siima hayn karo in igu filan inaan ku iraahdo waa ku jeclahay!'”

Wuxuu deeto muujinayaa dhinaca kale oo uu Kenesha kaga codsanayo guur, isagoo faraanti soo saaraya.

Kenesha, oo ah qarreenad, ayaa qosolkeeda deeto gadaal laga maqlayaa.

Hadalsame Media