”Yaan la igula lug go’in!” – Fannaanka Cawaale Aadan oo hal arrin ka DHAARTAY!

0

(Hadalsame) 19 Sebt 2019 – Fannaanka Cawaale Aadan oo la sheegayo inuu dhowr mar diidey waxyaabo ka hor imanaya midnimada umadda Soomaaliyeed ayaa iminka bulshada u caddeeyay hal arrin oo uu sheegay inaan marna loogu soo geed fariisan karin.

Wuxuu qormadiisa ku bilaabay: ”Sanadkii 2000 waa wakhti laga joogo 16 sanadood waxaan ahaa ciyaal school waxaan ka shaqeeyey shirkii Carta ee dib u heshiisiinta Ummadda Somaliyeed, aad baan u da’a yaraa wakhtigaas, waxaan ku shaqeeyey dhalintii cuntada qeeybineysey habeenkiina fanaaniintii cusbeyd ee maaweelada ayaan ka mid noqdey wakhtigaas.

”Waxaan nasiib u heley inaan dad ka la duwan la sheekeysto waana wakhtigeey igu bilaamatey somali qadarinta iyo mabda’a aan maanta ku faano. Kaddib 2008 dii (waa sawirkan wakhtiga la iga qaadey) waxaan tagey Nairobi oon aad u sii fahmay exactly what’s going on in Somalia, oo aad uuga fog waxa aan maqli jirey.

”Ugu danbeyn, laga bilaaba 2005 tii wakhtigii aan fanka ku soo caan baxay een noqdey dhalintii ila wakhtiga ahayd kuwoogii uugu caansanaa, waxaa laga jooga 11 sanadood waligeey hal hees oo somali qadiyadeeda ka soo hor jeeda ma qaadin waana la iga waayey, lagama yaabana inaan la soo shir tago wax aan u qalmeyn umadda aan ka beermey.

”Hal eray oo ka soo horjeeda umadda Somaliyeed af-keeyga lagama maqal lagana maqli maayo, oo taariikhda ii gali meeyso, wax aan u qalmeyn ummadda aan ka midka ahay.
Qof kaste wixii looga bartey ha laga sogo.” ayuu warkiisa kusoo afjaray Cawaale Aadan.

Hadalsame Media