Xasan Sheekh & Sheekh Shariif oo hal arrin looga DIGEY!

0

(Muqdisho) 19 Sebt 2019 – Xildhibaanka Daahir Jeesoow ayaa u digey laba Madaxwayne oo dalka Somalia soo maray, isagoo ugu baaqay inaysan ka qayb gelin caleemo saarka Axmed Madoobe oo ka mid ah madaxda sheeganaysa inay ku guulaysteen doorashadii Jubbaland.

Wuxuu warkiisa u qoray sidatan: ”Warqad furan oo ku socota: Madaxdii hore sida Madaxweynayaalki hore His excellency xasan sh Maxamud and his Excellency Sheekh Shariif Sh Axmed. Waxaan ka Codsaneynaa in ay Kismaayo tagin sababtoo ah xasuuqa Kismaayo ka jira Darteed.”

”Waxaan maqalnay in ay rabaan in aay tagaan is caleema saarka guddoomiyahii hore ee Raas kambooni marna loo magacaabay Guddoomiyaha degmada Kismayo 2013.
Mudaneyaal u hiiliya Shacabka daalan marna dulman.” ayuu kusoo afjaray.

Xildhibaanku ma sheegin halka uu ka dhacay ”xasuuqa” uu sheegay mana keenin wax caddaynaya in uu jiro xasuuq ka dhacay magaalada Kismaayo.

Hadalsame Media