IMF oo markii ugu horreeysey wada AMAANTAY DF Somalia & Maamul-goboleedyada

0

(Washington, DC) 19 Sebt 2019 – Hay’adda Lacagayoowga Adduunka ee IMF ayaa amaantay wax ay ku sheegtay horumar ay DF Somalia ka samaysay dib u habaynta dhaqaalaha dalka Somalia oo kasoo kabanaya dagaallada sokeeye ee dalka ka dhacay.

Wefdi ka socda IMF oo ay hoggaaminaysay Allison Holland ayaa Addis Ababa, Ethiopia, kula kulantay xubno metelayay DF Somalia intii u dhaxaysey Sebtembar 10 ilaa 13 si ay isula eegaan dib u eegista 1-aad ee barnaamij 4 qaybood ah oo daboolaya inta u dhaxaysa Maajo 2019 ilaa Luulyo 2020.

Barnaamijkan oo la yiraahdo SMP IV ayaa diiradda saaraya dadaallo ay ka mid yihiin dakhli ururinta oo dalka oo idil la gaarsiiyo, in la xoojiyo maareeynta maaliyadda dadwaynaha, in la kobciyo xasilloonida ganacsiyada gaarka ah iyo xoojinta in la sameeyo habab dhaqaale oo ka madax bannaan lacag dhiqid iyo maalgelinta argagixisada, sida kasoo baxay war lagu qoray bogga IMF.

IMF oo sheegtay in uu dhaqaaluhu kobcayo 2.9 boqolkiiba sanadkan 2019, waloow uu sicir bararkuna korayo 4% maadaama aanu roob ku filani dalka ka da’in, ayaa sidoo kale amaantay sida ay DF iyo Maamul-goboleedyada dalka ay uga go’an tahay in laga mira dhaliyo barnaamijka dayn dhaafka ee HIPC, tiiyoo ay aragto inaysan siyaasad ahaan isku aragti ahayn.

“IMF waxay DF iyo MG ku dhiirgelinaysaa inay sii amba qaadaan iskaashigaan, si ay meesha uga saaraan halis ku timaadda barnaamijkan,” ayaa lagu yiri warka IMF.

Hadalsame Media