Haweenay ku eedeeysan inay ninkeedii KHAARAJISEY & arrin iyada lagula kacay!

0

(Nairobi) 17 Sebt 2019 – Sarah Wairimu Cohen, xaaska ganacsadihii Dutch-ka ahaa ee Tob Cohen, ayaa loo maxkamadayn doonaa tuhun la xiriira inay lug ku leedahay geerida ninkeedii oo 3 bilood kaddib maydkiisa laga soo saaray haan lagu kaydiyo biyaha wasakhaysan.

Ms Sarah ayaan maxkamadda wax codsi ah u gudbisanin sida uu sheegay dacwad ooguhu, iyadoo marka hore la marsiin doono baaritaan ku aaddan dhanka dhimirka, kahor inta aan loosoo bandhigin dembiyada loo haysto.

Yeelkeede, sida ay wararku sheegayaan waxaa Sarah Wairimu Cohen loo haystaa inay iyadu khaarajisey Tob Chichou Cohen habeennimadii 19-aad ama 20-aad ee bishii Luulyo 2029, iyadoo uu dilku ka dhacay gudaha Nairobi, gaar ahaan gurigiisa.

Qareennada difaacaya xaaska oo uu hoggaaminayo Phillip Murgor ayaa si xooggan uga soo horjeestey eedda loo jeediyay.

“Inta aanba la gaarin codsi ku aaddan tijaabo dhanka dhimirka ah, waa inay dokumentiyadu dhamaystirnaadaan,” ayuu yiri Murgor.

Dacwad ooge Catherine Mwaniki, ayaa se sheegtay in ay hayaan marqaatiyo ay haybtooda shakhsiga ah qarinayaan si amaankooda loo sugo, sidaa darteed ay dacwadda sii wadayaan, halka Murgor uu ku doodayo in dembi baarayaasha nin ka mid ihi uu haweenayda waydiistey inay la seexato si uu dembigeeda u fududeeyo.

Hadalsame Media