Arrin dad badan cabsi ku haysa oo ka cusub garoonka Aadan Cadde (DF oo baaq loo diray)

0

(Muqdisho) 17 Sebt 2019 – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho gaar ahaan gegada dayuuradaha Aadan Cadde ayaa sheegaya inay halkaa dhowaan ka shaqa bilowday dayuurad ka mid ah kuwa isku xira khadka Muqdisho-Kenya, taasoo aad loo dhaliilay faya-qabkeeda.

Dayuuraddan oo la yiraahdo Salaama Air ayaa la sheegay inay iminka shaqaynayso 2-3 bilood oo qura, balse maalmihii yaraa ee tegey ay 3 jeer cilladi lasoo gudboonaatey, iyadoo ay shalay cillad ugu dambaysey.

Xasan Cali Geeseey oo ka mid ah dadka dayuuraddaa ku safray ayaa Hadalsame Media u sheegay in todobaadkan oo qura ay 2 jeer cilladoowdey iyadoo ay mar luguhu u bixi waayeen, jeer ay doonaysay inay ku degto gegada Jomo Kenyatta, balse dadka lagu ”maaweelinayay” inay raadinayso boos ay ku degto, iyadoo dhowr wareeg ku gashay garoonka dushiisa.

”DFS si gaara wasaarada gaadiidka waxa laga rabaa iney hubiso Diyaaradaha ay laysinka shaqo siineyso marki cilladahan oo kale ay diyaarada ku yimaadaan maalmo is xiga waliba si gaara baaritaan loo diro.” ayuu soo jeediyay Geeseey oo shirkaddan usoo jeediyay inaysan qamaar ku dheelan qudha umadda.

Hadalsame Media