”Gantaalehayga IIBSADA!” – Ruushka oo Sucuudiga u diray baaq dhega hadal ah oo ka dhan ah Maraykanka!

0

(Ankara) 17 Sebt 2019 – MW Ruushanka ee Vladimir Putin ayaa Sucuudiga Carbeed ugu baaqay inay iibsadaan hannaanka difaaca cirka Ruush sameega ah ee S-400, si buu yiri ay u ilaashadaan ceelashada saliideed ee la weeraray, isagoo tusaale usoo qaatay Iiraan iyo Turkey, oo isticmaala S-300 iyo S-400 sida ay u kala horreeyaan.

“Sucuudigu wuxuu u baahan yahay inuu qaato go’aan caqli ku dhisan, sida ay Iiraan u iibsatey gantaaleheenna S-300, halka Mr. Erdogan uu iibsadey dufcaddda ugu casrisan ee S-400,” ayuu Putin warfaafinta ugu sheegay Ankara shalaytoole.

“Hannaanada noocan ihi waxay kaabayaasha Sucuudiga ka difaaci karaan nooc kasta oo weerar cireed ah.” ayuu daba dhigay.

Putin ayaa xilligaa ka jawaabayay su’aalo ku saabsan weerarkii ceelasha Sucuudiga oo daroon yar lagu burburiyay, taasoo Washington ku eedaysan dalka Iiraan, waloow ay Xuutiyiinta Sucuudiga la dagaalsani mas’uuliyadda sheegteen.

Isbahaysi uu Sucuudigu hoggaaminayo ayaa weerarro ku hayay Sucuudiga tan iyo 2015-kii, halkaasoo ay kula dirirsan yihiin Xuutiyiinta oo weli la loodin la’yahay 4 sano kaddib.

Warka Putin ayaa loo arkay mid uu Ruushku ugu sheegayo Sucuudiga in aanu difaaci karin hubka uu Maraykanku sameeyo, waloow aan loo ogolayn noocyada sare ee istaraatijiga ah si kastaba, waana nasiib xumo ku habsatey dunida Muslimka.

Hadalsame Media