DHEGEYSO: Xulka Somalia oo ka qayb gelaya tartan aysan abid ka qayb gelin + Sawirro

0

(Gothenburg) 17 Sebt 2019 –  Waxay ku sii wajahan yihiin dalka Keenya oo uu sabtiga ka furmi doono Koobka Qaramada Afrika ee kubadda xeegada.

Yoonis Khaliif Xasan oo ah Guddoomiya xiriirka xeegada Soomaaliya oo la aasaasay 2016-kii ayaa warreeysi uu siiyay laanta afka soomaaliga ee idaacadda Raadiyaha Sweden uga war bixiyay tartankan oo markii ugu horreeysay uu xul ka socda Soomaaliya qaybta ka noqon doono.

Tartanka Xeegada Qaaradda Afrika oo ey ka qeyb geleyaan 10 waddan ayey saddex waddan oo ka mid ahi la socdaan xulal rag iyo haweenba leh, balse Soomaaliya waxay ka qayb geleeysaa qaybta ragga oo 2 guruub ka kooban, waxayna Soomaaliya ku jirtaa guruubka A oo ay kula midaysan yihiin xulalka Kenya, Nigeria iyo Togo, sida uu sheegay Yoonis Khaliif.

– Tartankani waa mid Afrika oo idil ku cusub, balse waxaan wadannaa dhallinyaro ka dheesha dalka Sweden, guulna waa rajaynaynaa,” ayuu yiri Yoonis Khaliif.

Soomaaliya oo ay metelayaan laacibiin gebi ahaanba laga soo xulay magaalada Gothenburg ee caasimadda 2-aad ee dalka Sweden, ayaa Sabtiga ciyaaraysa laba kulan oo ay midka 1-aad 11-ka barqannimo ku wajahayso Kenya, halka ay isla duhurkii kaddib 1-da iyo rubuc isku arki doonaan dalka Nigeria.

Kulanka ugu dambeeya heerka guruubyadana waxay Axadda la ciyaari doonaan dalka Togo, saacadda Afrikada Bari marka ay tahay 10:15 xilliga barqannimada.

 

Hadalsame Media