YAAB! Nin Yamani ah oo gabar Soomaali ah oo uu jeclaa darteed arrin la yaab leh u sameeyay! + Sawirro

0

(Muqdisho) 17 Sebt 2019 – Jacaylkii Uu Yemen Uga Soo Hayaamay, Ayaa Ku Khasbay In Uu Dhar Dumar Ku Lebisto.

Ninkan aad sawirkiisa arkaysaan, waxaa lagu magacaabaa Yemeni Cumar, waana wiil dhalinyaro ah oo 22 jir ah, waxa uu ka soo jeedaa dalka Yemen

Gabadh lagu magacaabo Asli Daa’uud Warsame, ayaa waxa uu u qaaday jacayl xad dhaaf ah, waxa ay ku wada noolayeen wadanka Yamen magaalada Mukalla. Balse Asli iyo qoyskeeda aya waxa ay u soo qaxeen dalka Soomaaliya maadaama ee wadanka Yamen dagaalo ka dhaceen .

Yameni Cumar iyo Asli Daa’uud Warsame xidhiidhka jacaylkooda , waxa soo dhex galay mugdi iyo murugo .

Asli aabaheed ayaa waxa uu go’aansaday in uu gabadhiisa ku daro wiil ay qaraabo yihiin .

Arinkaa waxa ka war helay Yemeni Cumar oo ahaa wiilka gabadha sida daacada u jecel , waxa uu go’aansaday inuu yimaado Soomaaliya

Toddobaadkii hore , ayuu tagay Muqdisho , balse waxa uu waayay qaab uu ula kulmo gabadha uu naftiisa ka jecelyahay. Maadama oo ay qooyskeeda ilaalo ka hayaan gabadha .

Maanta, ayaa waxa uu iska dhigay gabadh, waxa uu u labistay qaabka gabdhuhu u labistaan .

Ugu dambeyntii waa uu la kulmay gabadha uu jeclaa , sheeko dheer ka dib , waxa fahmay gabadha aabaheed oo guriga ku sugnaa in qofkani aanu ahayn ruux dumar ah .

Yemeni Cumar waxa uu hadda ku jiraa godka Jillicow.

Xigasho: Maxamuud Cabdulqaadir Warsame

Hadalsame Media